Home / Video / Shacabka Gaalkacyo oo dhibaato hor leh soo wajahday + Video

Shacabka Gaalkacyo oo dhibaato hor leh soo wajahday + Video

Shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ayaa soo saaray qeyla dhaan ku saabsan dhibaato hor leh oo ka soo food saartay dhinaca dhaqaalaha kaddib markii ay soo baxday awaamiir ku saabsan in la mamnuucay gebi ahaanba isticmaalka shilinka Soomaaliga ah, gaar ahaan nooca 500 Shilin taasi oo saameyntii ugu weyneyd ku yeelatay guud ahaan shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Qaar ka mid ah dadka danta yar oo la hadlayay Telefishanka Somali Cable ayaa ugu baaqay maamulada Puntland iyo Galmudug inay dib uga laabtaan go’aanka lagu mamnuucay noodka 500, iyagoona sheegay inaysan jirin meel ay wax uga iibsan midii ay horay u heysteen.

Amarka Gaalkacyo looga mamnuucay 500-ta shlin ayaa waxaa walaac xoogan ka muujiyay sariflayaasha iyo goobaha ganacsiga dabaqada dhexe, iyagoona dalbaday in loo fasaxo isticmaalka noodkaan oo ay sheegeen inay dhabar jab weyn ku tahay howlahooda ganacsiga.

Degaanada maamulka Puntland oo laga isticmaalo noodka 1,000 Shilin iyo 500 Sh/So ayaa haray oo kaliya Kunka Shilin, halka Shanta Boqol aan horayba looga isticmaalin magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood.

About admin