Home / Wararka / Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dowladda Federaalka oo markii ugu horeysay booqday Kismaayo

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dowladda Federaalka oo markii ugu horeysay booqday Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa markii ugu horeysay booqday magaalada Kismaayo ee xarunta maamul goboleedka Jubaland, halkaasi oo kulamo kala duwan kula qaateen Madaxweyne Axmed Madoobe iyo madax ka tirsan hay’adaha garsoorka.

Ujeedka wafdiga Maxkamadda sare oo ka tegay magaalada Muqdisho ayaa ahayd sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaaladda arrimaha garsoorka iyo sidii ay wada shaqeyn u yeelan lahaayeen, iyagoona kormeer ku tegay xarumihii adeegga garsoorka, xabsi cusub oo laga hirgelinayo duleedka magaalada Kismaayo.

Wasiir K/Xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka maamulka Jubaland Dr. Aadan Iishaar ayaa sheegay in muhiimadda koowaad ay tahay sidii loo heli lahaa garsoor tayadiisu sareyso.

“Sidii loo xoojin lahaa garsoorka ka jira gobolada dalka iyo sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen garsoorka Dowladda Federaalka” ayuu yiri Xeer ilaaliye Axmed Cali Daahir oo ku bogaadiyay maamulka Jubaland isku tashiga ka muuqda.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa tan iyo markii xilkaasi loo magacaabay lagu dhaliilayaa inuu ka gaabiyay howlihii loo igmaday, inkasta oo garyaqaanno caan ah iyo garsooryaal horay xilal u soo qabtay ay ku tilmaameen inuu isagu yahay nin magacaabistiisa sharciga hareer marsan.

About admin