Home / Social Media / Audio / Wasiir Maareeye: “Xarunta CID-da ayaan dacwad ka geeyay Boqorka beesheyda”

Wasiir Maareeye: “Xarunta CID-da ayaan dacwad ka geeyay Boqorka beesheyda”

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhaqaaqay arrin ugub ku ah hannaanka doorashooyinka dadban ee ka socda dalka, kaddib markii uu si cad u sheegay inuu sharciga la tiigsanayo Boqorka beesha uu ka soo jeedo ee ku abtirsada beelaha Dirta Koonfur.

Waxa uu sheegay in boqorka uu meel uga dhacay sumcadiisa kaddib markii uu ku eedeeyay inuu xiray mid ka mid ah odayaasha dhaqanka oo ka soo jeeda isla beeshiisa, wuxuuna sheegay inay boqorka ku kala baxayaan sharciga.

“Xarunta CID-da ayaan dacwad ka geeyay boqorka beesheyda oo meel uga dhacay sharafteyda” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Dowladda xilligeedu dhammaaday ee Federaalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sheegay in hadallada uu ka faafiyay boqor Maxamed Jaamac ay ka dambeeyaan musharaxiin iyo siyaasiyiin ka horjeeda isaga, iyadoo hadalka Wasiir Maareeye uu ku soo beegmayo xilli dhowaan Muqdisho ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaanada labada u matalaya beelaha Dirta Koonfur ee degan gobolada uu ka taliyo maamulka Somaliland.

About admin