Home / Wararka / caalamka / Hoggaamiyaha dalka Suudaan oo taageeray Madaxweynaha cusub ee Mareykanka

Hoggaamiyaha dalka Suudaan oo taageeray Madaxweynaha cusub ee Mareykanka

Madaxweynaha Dowladda Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa ka mid noqday madaxda caalamka ee u tahniyadeynaya Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump oo ku guuleystay dooraashadii taariikhiga ahayd ee uu la galay haweeneyda lagu magacaabo Hilary Clinton.

Col. Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Trump inuu yahay shaqsi aan isbedbedelin isla markaana go’aan adag leh, waxa uu sheegay in sidoo kale uu yahay mid ka mid ah ganacsatada caalamka ugu horeysa.

“Waa nin meel loogu soo hagaago leh, kana fiirsada dadka macaamilka kala dhaxeeyo” ayuu yiri Madaxweynaha Suudaan oo dhulka ku jiiday madaxweynihii isaga ka horeeyay ee Brack Obama oo uu ku tilmaamay inuu yahay shaqsi ka hadla Dimoqoraadiyad isla xisaabtan.

Doorashadii ka dhacday dalka Mareykanka oo si weyn saameyn ugu yeelatay dalalka caalamka ayaa waxaa ka mid ahaa waxyaabaha lala yaabay markii uu guuleystay Maal qabeenka Donald Trump inay u hambalyeeyaan Madaxweynayaal caan ku ahaa nacaybka Dowladda Mareykanka, kuwaasi oo qaarkoodsi taxadar ku jiro u soo dhoweeyay isbedelka aqalka cad ka dhacaya.

About admin