Home / Social Media / RADIO REER HEBEL: Barnaamij gaar ah, digniinta Qurbajoogta & xubintii Facebook

RADIO REER HEBEL: Barnaamij gaar ah, digniinta Qurbajoogta & xubintii Facebook

Halkani waa Radio reer hebel oo aad kala socon kartaan hadba meesha aad adduunyada ka joogtaan, farsamada waxaa inaga hagaya farsamayaqaan Daacad kabiir iyo anigoo Weriye Firdhiye ah, ku soo dhowaada war wixii dalka daahafaha caalamka naga soo gaaray oo uu noo soo jeedinayo Xasan Cunaaye (Bidaar Loof).

Mahadsanid weriye Daacad, Shir ballaaran oo ka dhacay xarunta Webiga Shabeelle ayaa waxaa isugu yimid odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beelaha halkaasi ku dhaqan, waxayna cambaareeyeen hannaanka doorashooyinka ee ka socda degaanadooda, iyagoo sheegay in xuquuqdooda uu ku tumanayo mid iyaga ka tirsan oo awood u isticmaalaya.

“Anigoo matalaya beelaha Wabiga Shabeelle waxaan u sheegayaa dadka adduunyada ku nool in nin lagu magacaabo Xoogsade Xundubey uu noo adeegsanayo xoog” ayuu yiri Nabadoon Subkane oo shir jaraa’id qabtay.

Waxay baaq u direen Guddoomiyaha guddiga dhiig joojinta kooxda bulsha weyn Avv. Cumar Qalqaalo, waxayna ka dalbadeen inuu wax ka qabto dhibaatada uu ku hayo ninkaasi istaafkiisa ka dhigtay ergada.

Hagaag kaasi wuxuu ahaa Weriye Bidaar Loof oo warkii maanta inoo soo jeedinayay, haatanna waxaanu guda galeynaa barnaamijkeenii gaarka ahaa oo uu noo soo jeedinayo Weriye Sacba-weyne ku soo dhowaada.

Mahadsanid weriye Daacad, barnaamijkaan gaarka ah wuxuu ku saabsan yahay muranka iyo dib u dhacyada faraha badan ee soo wajahay doorashooyinka labada aqal oo markii meel laga daboolaba gadaal ka furfuryaan kooxda buurka degan, kuwaasi oo ka cabsi qaba in gambarada ay ku fadhiyaan xoog looga kacsado.

Guddoomiyaha guddiga dhiig joojinta dalka bulsha weyn Avv. Cumar Qalqaalo ayaa wacad ku maray in kooxaha damacsan inay labada dhismahooda carqaladeeyaan laga qaadayo tallaabo lama filaan ah, wuxuuna ku goodiyay in haddii kooxahaasi joojin waayaan ficillada guracan laga tuuri doono tareenka siyaasadda.

“Aniga afkeyga lagama maqlin 15-ka bishaan ayaa Madaxweyne la dooranayaa” ayuu yiri Avv. Cumar Qalqaalo oo su’aalo fara badan ku wareeriyeen kooxda Jeekey, wuxuuna rajo ka muujiyay in su’aashaasi ay wejiyaan xarfaanta dhiseysa labada aqal.

Iminkana ku soo dhowaada xubintii Facebook oo ay inoo soo jeedineyso Faadumo Internet, aan idiin kala dhex baxo wixii dhex maray gabdho baraha bulshada qaati ka taagan.

Mahadsanid Weriye Bidaar Loof, baraha ay bulshada ku xiriirto ee Interet-ka waxaa ku soo badanaya dhibaatooyin kala duwan oo ku dhex maraya ragga iyo haweenka, inkasta oo ay jiraan qoysas ku faa’iiday isla markaana maalin kasta isla sheekeysta sida iyaga hal qol ku wada jira.

Haddaba gabdho lagu kala magacaabo Caasho Facebook, Leyla Imo, Sacdiya Whats Up iyo Farxiya Twitter oo nagu soo booqatay xarunteena Dhul Kaadheer ayaa waxay ka cabanayaan dhallinyarada wakhtigooda inta badan ku lumiya baraha bulshada.

“Aniga saddex maalin raashin ma cunin, waayo midkoo ciyaal canjeero ah ayaa marba magac igu soo gelaya, runtiina wiilkaas waxyaabaha uu i dhahay halkaan kama sheegi karo abaayo” ayay tiri Caasho Facebook.

Leyla Imo ayaa iyadana mar aan wax ka weydiiyay sababta ay magacaan ula baxday waxay sheegtay inay ka heshay aaladaan, waayo bay tiri waa maqal iyo muuqaal aan kala xiriiro eheladeyda iyo saaxibadeyda.

“Hadaan runta kuu sheego walaashey dhibaatada aan ka cabanayo waxay tahay in la iga qabto niman aan u kala soocneyn habeen iyo maalin, ninkeyga xitaa dhowr goor ayaan isku dhacnay” ayay tiri Leyla Imo.

Sacdiya Whats Up iyo Farxiya Twitter iyagu waxay baaq u direen guud ahaan ragga calaf doonka ah ee ay daacad ka tahay xiriirkooda haweenka guur doonka ah, hase yeeshee waalidka dhalay dhallinyarada u dhaqmaya sida caruurta xaafadaha oo kale inay il gaar ah ku hayaan falfalaadka caruurtooda.

Afhayeenka Qurbajoogta Mudane Axmed Mahiigaan ayaa isagoo ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska waxa uu digniin u diray dhammaanba xubnaha ka tirsan dalladiisa, isagoona sheegay in maalmahaan ay soo bateen dad ka shaqeynaya sidii la isaga hor keeni lahaa bulshada dallada ka tirsan iyo dowladaha ay ku nool yihiin.

Waxaa Diyaariyay:
Jabriil M. Nuur (Jabra)
jabka5555@hotmail.com

About admin