Home / Video / VIDEO Doorashada aqalka hoose ee beelaha Banaadiriga oo markii ugu horeysay Muqdisho ka bilaabatay

VIDEO Doorashada aqalka hoose ee beelaha Banaadiriga oo markii ugu horeysay Muqdisho ka bilaabatay

Doorashada aqalka hoose ee Baarlamaanka oo markii ugu horeysay ka bilaabatay magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya ayna u tartamayeen ilaa saddex musharax oo midkood tanaasulay inta aan cod loo qaadin.

Mahad Cabdalla Cawad oo ka mid ahaa K/Xigeenadii Golaha Baarlamaanka xilligiisu dhammaaday ayaa helay 50-cod, iyadoo xildhibaankii kale ee la tartamayay isna helay 1-cod sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa bannaan Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhegey).

Doorashada shalay ka bilaabatay Muqdisho ee ay ku tartamayaan beelaha Banaadiriga oo 7-xildhibaan aqalka hoose ah ayaa waxay ku dhammaatay jawi degan, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay Muqdisho ka dhacaan doorashooyin kale oo beelaha Somaliland ay ka mid yihiin.

About admin