Home / Video / Daawo sida ay ku dhacday doorashadii aqalka hoose ee beelaha Waqooyi

Daawo sida ay ku dhacday doorashadii aqalka hoose ee beelaha Waqooyi

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday doorashooyinka aqalka hoose, gaar ahaan beelaha Somaliland ee gobolada Waqooyi, iyadoo kursigii ugu horeeyay uu ku guuleystay Ra’iisal Wasaare K/Xigeenka Dowladda Federaalka waqtiga ka idlaaday.

Xubnaha kusoo baxay doorashada ayaa kala ah:

Maxamad Cumar Carte
Caasho Maxamuud Cumar Koos
Yurub Axmed Raabi
Maxamed Ibraahim Cabdi
Axmed Dhimbil Rooble
C/raxmaan Ducaale Beyle

Dhinaca kale xubnaha maanta kusoo baxay doorashada ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxa ay qeyb ka noqon doonaan xildhibaanada Aqalka Hoose ku matali doono Gobolada Waqooyi, inkasta oo loo jeedinayo baaqyo ku aadan saamiga haweenka 30% isla markaana la laalay soo jeedinta ergooyinka 135-ta beelahaasi in doorashada ay ka dhacdo xerada Xalane.

About admin