Home / Wararka / Degmada Afgooye oo qarax ka dhacay fariisin ciidamada Dowladda ay ku sugnaayeen

Degmada Afgooye oo qarax ka dhacay fariisin ciidamada Dowladda ay ku sugnaayeen

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino lagu aasay goobta ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen ku dhowaad toban ka tirsan ciidamadii halkaasi ku sugnaa.

Fariisimo ciidamada Dowladda ay ku lahaayeen degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa goor dhow waxaa ka dhacay qarax xoogan, kaasi oo geystay qasaarooyin soo gaaray qaar ka mid ah ciidamada iyo dad rayid ah.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay tobaneeyo ruux oo isugu jira dad rayid ah iyo askarta Dowladda, iyadoo halkaasi ay gaareen ciidamo gurmad ah kuwaasi oo xiray nawaaxiga halka uu qaraxa ka dhacay.

Dhinaca kale wararku waxay intaasi raacinayaan in qaraxa aanay weli cidna sheegan inay iyadu ka dambeysay, inkasta oo qaraxyada iyo weerarada lagu qaado ciidamada dowladda caadiyan ay sheegataan maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab.

About admin