Home / Video / Warbixin xiiso leh oo laga diyaariyay doorashooyinka Soomaaliya + Video

Warbixin xiiso leh oo laga diyaariyay doorashooyinka Soomaaliya + Video

Doorashooyinka dadban ee maalmahaan ka socday magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ayaa haatan maraya gabagabo, inkasta oo ay jiraan dacwooyin iyo is qabqabsi la xariira ergooyinka, faragelinta madaxda Dowladda xilligeedu dhammaaday, musuqmaasuq iyo tacadiyo kale waxaa haatan bilaabanaya diiwaan gelinta mudanayaasha saxda ah.

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka ayaa laalay 11-mudane oo laga soo doortay shanta gobol, kaddib markii loo diiday shahaadada Xildhibaanimo hase yeeshee arrintaasi ayaa iminka u muuqata mid ay si weyn uga hortegayaan Madaxweynayaasha maamul goboleedyada oo iyaguna bilaabay inay farageliyaan howsha guddigaasi.

Ilaa iyo iminka inta hadda la xaqiijiyay Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland iyo Hirshabelle ayaa bilaabay in xildhibaanada goboladooda laga soo doortay ay siiyaan shahaadooyinka.

Xildhibaanada Baarlamaanka cusub oo ka kooban aqalka sare iyo kan hoose ayay sheegtay beesha caalamka in la waafajiyay qoondada haweenka ee 30% kuraasta labada aqal, hase yeeshee waxaa weli taagan muran ku saabsan mudanayaasha gobolada Sool iyo Sanaag.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota doorashooyinka beelaha gobolada Waqooyi oo maamulka Somaliland horay u sheegay inuu u aqoonsan yahay doorashada beelaha goboladooda ka soo jeeda inay yihiin kuwo beesha caalamka shaqo u raadsaday isla markaana haddii ay Hargeysa yimaadaan la soo taagayo maxkamad.

Halkaan hoose ka daawo warbixin idaacadda VOA-da ka diyaarisay doorashooyinka dadban ee ka dhacay Nuqdisho iyo gobolada dalka, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaya:-

About admin