Home / Sawirada / Farmaajo oo farriin muhiim ah u diray musharaxiinta taageerada ka raadinaya dalalka shisheeyaha (Dhageyso)

Farmaajo oo farriin muhiim ah u diray musharaxiinta taageerada ka raadinaya dalalka shisheeyaha (Dhageyso)

Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo kana mid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, isagoona markii uu soo degay farriin muhiim ah u jeediyay musharaxiinta iyo taageerayaashiisa.

Maxamed Cabulaahi Maxamed ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta doonaya in ay qabtaan xilka Madaxtinimada Soomaaliya in aysan dalal shisheeye u raadsan dhaqaalo .

Waxaa uu sheegay in looga baahan yahay Musharaxiinta in ay taageero ay u fidiyaan shacabkooda.

Dhinaca kale taageerada shacabka ayuu sheegay in ay muhiim u tahay dadka doonaya in ay noqdaan Madaxweynaha Soomaaliya.

About admin