Home / Sawirada / Wasiiro, Xildhibaano iyo ururrada bulshada oo Prof. Jawaari ka codsaday inuu isa soo sharaxo + Sawirro

Wasiiro, Xildhibaano iyo ururrada bulshada oo Prof. Jawaari ka codsaday inuu isa soo sharaxo + Sawirro

Munaasabad si  balaaaran  loo soo agaasimay loogana tala galay in lagu soo bandhigo codsi ku aadan sidii uu Xildhibaan Prof. Maxamed Sheikh Cusmaan Aadan {Jawaaari} isugu soo sharaxi lahaa xilka Gudoomiyaha  Golaha Shacbiga Soomaaliya  ayaa lagu qabtay Magaalda Muqdisho.

Munaasabadii xafladaasi oo aad loola dhacay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano ka tirsaan labada aqal ee Dawladda Federaalka, wakiilo matalayay dawlad goboleedyada Dalka, madax ka socotay ururada  haweenka, dhaqanka, dhallinyarada, qurba joogta iyo marti sharaf aad u fara badan oo xafladaasi lagu casuumay.

Gudoomiyaha  Haweenka G/Banaadir Jawaahir Maxamed Baarqab, , Gudoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheikh Axmed Gabale iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Haweenka  Aamino Maxamed Mursal ayaa daboolka ka qaaday in ay Jawaari ka codsanayaan inuu isu soo taago jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka ,  waxayna cadeeyeen inuu mudan yahay inuu xilkaasi ku soo baxo, iyagoo  xusay in gabdhaha  ku jira   Baarlamaanka ay ka go’an tahay inay codkooda siiyaan.

Afhayeenka Golaha Siyaasiyiinta Da’da yar Maxamed Nuur Cali, Cabdi Caddow Axmed oo ku hadlayay magaca ururda bulshada, Shure Aadan Madoobe oo matalayay dhallinyarada ayaa  iyaguna munaasabadaasi ka hadlay waxayna  ku cel-celiyeen inay taageersan yihiin in Jawaari uu isu soo taago xilka lagu dhiiri galinayo, waxayna carabka ku dhufteen inuu u qalmo qabashada jagada loogu baaqayo.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta Eng, Saalax Sheikh Cusmaan oo khudbad dhinacyo badan ka hadlaysay halkaasi ka soo jeediyay ayaaa ku nuux-nuuxsadey inuu soo dhaweynayo  tallo soo jeedinta ka timid wakiilada ummadda Soomaaliyeed ee ku aadan inuu  Prof. Jawaari  isa soo sharaxo,  waxaana uu hoosta ka xariiqay inaan ruug cadaagaasi  loogaa maarmin inuu mar kale hogaamiyo Golaha Shacabka, isagoo carabka ku adkeeyay  inuu rajeynayo in Maxamed Shiikh uu arintaasi aqbali doono.

Munaasabadaasi oo aad u soo jiitay bulshadii ka soo qeyb gashay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka  Kalluumeysiga iyo khayraadka Badda Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymoy, Wasiiru dawlayaasha   Arimaha dibadda iyo warfaafinta Dr. Khaalid Cai Cumar iyo Maxamuud Cabdi Xasan {Beekoos}, Xildhibaano ka socdey aqalka sare iyo aqalka hoose, mudanayaal ka yimid dawlad goboleedyada K/Galbeed,  Hirshabelle iyo Galmudug.

Kooxda fanaaninta Shambal ayaa munaasabadaasi ku soo bandhigtay suugaan aad u qiira badan, heesahaasi oo lagu qaadayay afafka May iyo Maxaa tiri ayaa ka tarjumayay sida ay dadka Soomaaliyeed u xiisaynayaan inuu isa soo sharaxo Prof .Jawaari, in dhawaalaba waxaa isa soo tarayay baaqyada loo jeedianayo maxamed sheikh ee looga dalbanayo inuu isa soo sharaxo.

 

About admin