Home / Video / Faarax Cabdulqaadir: “Markii ay hooyadey i dhashay dad badan oo qoyskeyga ka mid ah waxay isweydiiyeen xilliga aan noolaanayo”

Faarax Cabdulqaadir: “Markii ay hooyadey i dhashay dad badan oo qoyskeyga ka mid ah waxay isweydiiyeen xilliga aan noolaanayo”

Fadhiga Golaha Baarlamaanka maanta oo khudbado kala duwan ay ka jeediyeen musharaxiinta u tartameysa xilka Guddoomiyaha Golahaasi, ayaa waxaa ka mid ahaa musharax Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir oo isagu halkaasi ka jeediyay khudbad ka yaabisay mudanayaashii dhageysanayay.

Musharax Faarax ayaa ugu horeyntiiba waxa uu khudbadiisa uga hadlay markii uu caloosha hooyadii ka soo baxay oo uu ku sheegay inay ahayd isagoo jira 7-bilood, taasi oo sababtay in eheladiisa ka deyriyeen mudada uu noolaan karo.

“Qoyskeyga waxay maalmo kala duwan ku sheegeen xilliga aan noolaanayo, maadaama aan bilo dhameysan” ayuu yiri musharax Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo sheegay in hooyadii oo ka hadleysay markii ay isaga dhashay ay sheegtay inuu noqonayo wiil dalka iyo dadka u adeega inuu Alle ka dhigo.

Xildhibaanka ayaa ka codsaday mudanayaasha Baarlamaanka inay ugu codeeyaan inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka, isagoona halkaasi ka jeediyay waaya aragnimadiisa iyo in haddii la doorto uu ku shaqeyn doono si daacad iyo wadaninimo leh.

About admin