Home / Wararka / Musharax Cali Xaaji warsame: “Waxaan halkaan idinkugu soo gudbinayaa dareenkeyga”

Musharax Cali Xaaji warsame: “Waxaan halkaan idinkugu soo gudbinayaa dareenkeyga”

Sida aan wada ognahay maalmahaan waxaa socday abaabul iyo shirar looga gol leeyahay in la soo doorto gudoonka iyo labadiisii ku xigeen ee aqalka sare ee Soomaaliya, shalay oo Sabti 21, January 2017, Ilaa iyo hadda waxaa suurto gashay in la dhegaysto soo jeedintii khudbadaha xildhibaanaddii u tartamayey xilalkaas, waxaa xigi doono doorasho Axadda 22, January 2017.

“Hadaba anigoo ah Musharax Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya 2017-202, Dr. Cali Xaaji Warsame, waxaan halkaan idiinkugu soo gudbinayaa cabirka dareenkayga waqtigaan adag, waana sidatan hoose taas oo aan doonayo inaad ila wadaagtaan” ayuu yiri Dr, Cali Xaji Warsame Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya.

1. Guud ahaan ilaa iyo hadda sida ay wax u socdaan waan soo dhaweynayaa, waxayna marqaati u tahay in la fuliyey qodob ka mid ah Dastuurka qaranka, sidaas oo kale waxaan u arkaa in dhamaan xildhibaanada aqalka sare iyo gudiga ka shaqaynaya hawshaan ay muujiyeen karti iyo dadaal faro badan.

2. Xildhibaanada Soomaaliyeed waa in ay dareemaan in dalkeena iyo doorashadiisa faragalin lagu hayo, ugu dambayna la doonayo in Soomaaliya lagu kala qaybiyo, hadaba xildhibaanada qaranka waa in ay ilaaliyaan xornimada iyo madax-banaanida dalkeena, iyo xornimada go’aanka Baarlamaanka si loo xaqiijiyo Midnimada iyo dib u heshiisiinta Ummaddeena, midaas oo saldhig u ah badbaadada qaranka Soomaaliya.

3. Doorashada aqalka sare waa in ay soo dedejisaa doorashada madaxweynaha dalka, waana in sida ugu degdegsan loo soo dhisaa gudiyaddii doorashada baarlamaanka ee lahaa qabashada hawshaas.

4. Waxaan idiin rajaynayaa Hoggaan u horseeda isbadal iyo rajo Umadda Soomaaliyeed. Ugu dambayn, Guul Ayaan u rajaynayaa mudanayaasha aqalka sare iyo hogaankooda cusub.

About admin