Home / Wararka / Isbaheysiga xisbiyada siyaasadda oo qodobo dhowr ah ka soo saaray doorashada Madaxweynaha

Isbaheysiga xisbiyada siyaasadda oo qodobo dhowr ah ka soo saaray doorashada Madaxweynaha

Isbaheysiga xisbiyada siyaasadda dalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay uga hadleen xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka Madaxweynaha abaaraha dalka ka jira iyo qodobo kale.

Kulanka madaxda iyo wakiiladda xisbiyada siyaasadda dalka ayaa markii uu soo gabagaboobay waxay ka soo saareen bayaan ka kooban qodobo dhowr ah oo u qornaa sidaan:-

War-Saxaafadeed

Shir Balaaran Oo Ay Isugu Yimaadeen Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada Soomaaliya Uuna Shir Gudoominayey Gudoomiyaha Isbaheysiga Xisbiyada siyaasada soomaaliya cali max’ed Nuux tima Jilic ayaa Waxaa Looga Hadlay Qodobo Ay Ka Midyihiin Dib U Eegista Xeerka Axzaabta,Diiwaan gelinta Ururada Siyaasada Dalka, Dhaqaalo U Helida Gudiga Doorashooyinka Madaxa Banaan,La Dagaalanka Musuq Maasuqa Iyo Abaaraha Dalka Ka Jira.

Shirka oo Ay ka Soo Qeyb Galeen Madaxda Xisbiyada Siyaasada Dalka, Xildhibaano, Musharaxiin Iyo marti Sharaf Kale Ayaa Dood Iyo Falaanqeyn Dheer kadib waxaa Shirka Ka Soo Baxay Qodobada Soo Socda.

  • In La Sameeyo Gudi Isku Dhaf Ah Oo Ka Kala Socda Gudiga Doorashooyinka Madaxa Banaan (N.I.E.C) Iyo Xisbiyada Siyaasada Somalia Oo Dib U Eegis Ku Sameeya Xeerka Axzaabta.
  • In Xisbiyada Dowr Kor Joogto Ah Ku Yeeshaan Doorashada Madaxweynaha Soo Socota.
  • In Laga Qeyb Galiyo Xisbiyada Iyo Hay’adda Marqaati Gudiga La Dagaalanka Musuq Maasuqa Ee Dhawaan Baarlamaanka Ku Dhawaaqay.
  • Hey’adda Marqaati Waa Hey’ad Heysa Xog Badan Oo Ku Saabsan Musuq Maasuqa Dalka Ka Jira Sidaasi Owgeed Waxaan Mar Labaad Soo Jeedineynaa In Hay’addaasi Ay Qeyb Ka Ahaato Gudiga la Dagaalanka Musuq Maasuqa.
  • In Xisbiyada Siyaasada Soomaaliya Ay Qeyb Ka Noqdaan Su’aalo Weydiinta Musharaxiinta u Taagan Xilka Madaxweyne Nimo.
  • In La Sameeyo Wacyigalin Warbaahineed oo Ku saabsan Madaxweynaha Dalka U Baahanyahay.
  • In La Taageero Fikradaha Isbadel Doonka Laguna Dhiira Galeyo Xildhibaanada Baarlamaanka In Ay Ka Shaqeeyaan Isbadel Qiimeysan Oo Ku Yimaada hogaanka Dalka.
  • In La Abuuro Gudi Dhaqaalo Uruurin Iyo Kulamo La Yeesha Musharaxiinta u Taagan Xilka Madaxweyne.

Ugu Dambeyntii Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada Dalka Ayaa Ugu Baaqay Musharaxiinta U Taagan Xilka Madaxweynaha in Ay Ka Fogaadaan Wax Kasto oo Keeni Kara Qilaaf Iyo Kala fogaansho isuna tanaasulaan.

MAHADSANIDIIN   

About admin