Home / Wararka / Bandow laba maalin ah oo lagu soo rogay Magaalada Muqdisho

Bandow laba maalin ah oo lagu soo rogay Magaalada Muqdisho

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabka magaalada Muqdisho in ay dulqaataan inta uu bandowgu socdo, waxa uuna tilmaamay in la doonayo in la xaqiijiyo amaanka Caasimada inta Doorashada ay socoto.

Gudoomiyaha gobola Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo maanta Warbaahinta kula hadlay Xarunta gobolka ayaa shaaca ka qaaday in Bandow labo maalin ah lagu soo rogayo dadka iyo gaadiidka magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Gudooniyaha in Bandowgan uu bilaabanayo beri 5-ta galabnimo uuna soconayo ilaa laga dooranayo Madaxweynaha Soomaaliya oo doorashadiisa la filayo in ay dhacdo 8-da bishan oo ku beegan maalinta arbacada.

Bandowga lagu soo rogay magaalada Muqdisho ayaa saameyn badan ku yeelan doona Shacabka magaalada Muqdisho, shacabka ayaana horey dhib ugu qabay wadooyin badan oo magaalada oo dhagxaan iyo caro horey loogu xiray.

About admin