Home / Sawirada / Xiriirka Sataranjiga oo agab guddoonsiiyay Dugsiyada Hoyga Xamar + Sawirro

Xiriirka Sataranjiga oo agab guddoonsiiyay Dugsiyada Hoyga Xamar + Sawirro

Munaasabad maanta ka dhacday Xarunta Dugsiga Hoyga Xamar ayaa Maamulka iyo Ardayda Dugsigaasi waxaa Agab ugu wareejiyay Xiriirka Soomaaliyeed ee Sataranjiga ama Jeeska Soomaliyeed.

Guddoomiyaha Xiriirka Sataranjiga Soomaaliyeed Axmed Cabdi Xasan Wataac oo Munaasabadaasi ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in arrintani tahay mid Muhiimad Gaar ah  leh.

Waxaana uu sheegay in ay ku Faraxsan yihiin Qalabka ay guddoonsiiyeen Dugsiga Hoyga Xamar oo ka mid ah Dugsiyada ugu waaweyn ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Guddoomiyaha Xiriirka Sataranjiga Soomaaliyeed ayaa tilmamay in dhibaatooyin kala duwan uu hareeyay Xiriirka Sataranjiga Soomaaliyeed.

“ hadda waxaa Soomaaliya lagu casuumay ka qeyb galka Tartan Ciyaaraha Sataranjiga ah oo ka dhacaya Kenya oo nala yiri la soo shir taga Gabdho iyo Wiilal ka yar 18 Sano jirro ayna la’san yihiin Gabdho u matala taas oo ay qarka ugu saran yihiin  in Tartankaasi aysan ka qeyb galin” sida u yiri Guddoomiye Wataac.

Sidaas daraadeed ayuu Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Sataranjiga Soomaliyeed hoosta ka xariiqay in sababta ay agabkani u guddoonsiiyeen Ardayda Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Hoyga Xamar tahay si loo helo Arday da’doodu ka yartahay 18 sano jirro oo ka qeyb gala Tartamadaasi weliba ka tirsan Ardayda Hoyga Xamar sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Shaacir Agaasimaha Dugsiyada Hoyga Xamar oo isna ka hadlay Munaasabadaasi ayaa sheegay in ay uga Mahad celinayaan Xiriirka Sataranjiga Qalabka ay guddoonsiiyeen isagoona tilmaamay in ay dib u soo celin doonaan xiriirkii iyo Wada shaqeyntii Dugsiyada Hoyga Xamar kala dhexeeyay Xiriirka Sataranjiga Soomaaliyeed.

Dugsiyada Hoyga Xamar ayaa ka mid ah Dugsiyada ugu waaweyn ee dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

About admin