Home / Sawirada / Munaasabad lagu soo dhawaynayay Ra’iisul wasaaraha cusub oo lagu qabtay Caabudwaaq + Sawirro

Munaasabad lagu soo dhawaynayay Ra’iisul wasaaraha cusub oo lagu qabtay Caabudwaaq + Sawirro

Munaasabadaan oo ay soo qaban qaabiyeen qaybaha Bulshada oo lagu soo dhaweynayay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta lagu qabtay magaalada Caabudwaaq waxaana ka qayb galay xubno ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada.

Dadweyne fara badan oo ka soo qayb galay munaasabadan lagu soo dhaweynaya Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka ayaa  isaga ka kala yimid lixda xaafadood ee ay degmada kuwaasi oo isugu jjiray  Haween, Dhallinyaro, Abwaanno iyo Kooxaha Fanaaniinta ee magaalada Caabudwaaq oo intii ay socotay munaasabadda ku soo bandhigay suugaan

Xaawo Shaxbulle iyo Faadumo Caanood Ugu horayntii munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in soo dhawaynayaan Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Mahad Maxamed Cawil oo kamid ah Masuuliyiinta Waxbarashada Degmada oo ka hadlay munaasabada ayaa coddsi u jeediyay Xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka dalka waxaana uu ka dalbaday inay codkooda siiyaan Reysal wasaaraha cusub marka uu hor tago.

About admin