Home / Wararka / Dowladaha Soomaaliya & Turkiga oo kala saxiixday Heshiis Cusub

Dowladaha Soomaaliya & Turkiga oo kala saxiixday Heshiis Cusub

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa Magalada Ankara ee Wadankaasi Turkiga ku kala saxiixday heshiis,waxaana dowladda Soomaaliya u saxiixay safirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Jaamac Cabdullaahi Ceydiid halka dowladda Turkiga uu u saxiixay mas’uul ka tirsan Wasaarada Maaliyadda iyo lacagta Turkiga.

Heshiiska ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo turkiga ayaa ku saabsan dhanka dhaqaalaha ,waxaana dowladda Turkiga ay sanadka kasta lacago ku kabeysaa Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalke Beyle ayaa bogaadiyay Heshiiskaas,isaga oo dowladda Turkiga uga mahad celiyay sida ay mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya.

“Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Shacabka iyo Dowladda Turkiga oo mar-waliba Taageero la garab taagan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.Dowladda Turkigu waxay balan qaaday taageerada Miisaaniyadeed ee Dalkeena oo joogta ah ayuu yiri Wasiir Beyle.

Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya,waxaana la xasuustaa gurmadkii weynaa oo ay Shacabka Soomaaliyeed u fidisay Sanadkii 2011-kii xilligaas oo dalka ay ka jirtay abaar ballaaran.

About admin

Leave a Reply