Home / Wararka / Wafdi Beledweyne u tegay xalinta xiisada ui dhaxeysa Waare iyo Dabageed

Wafdi Beledweyne u tegay xalinta xiisada ui dhaxeysa Waare iyo Dabageed

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa maanta Gaaray Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Baladweyne waxaa ku soo dhaweeyay guddoomiyaha iyo wafdigiisa, Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Maamulka Hirshabeelle iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Maamulka Cusub ee gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshaballe ayaa ujeedka socodkiisa ku  sheegay  xalinta xiisada u dhaxeysa Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle  Maxamed Cabdi Waare iyo gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa la filayaa in uu si kala gooni gooni ah in uu ula kulmo Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle iyo Gudoomiyaha Xilka laga qaaday ee Hiiraan Dabageed.

Khilaafka ka dhexeeya Madaxweyne Waar iyo Gudoomiyaha Xilka laga qaaday Dabageed ayaa cuuryaamiyay shaqadii Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baledweyne, waxaana jirin waxa xala oo ilaa iyo hada laga gaaray Khilaafka ka dhex jira.

Xildhibanao iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay Baladweyne u tegay ku waas oo ku guuleysan waayay xalintax siisadaas oo in badan bil ka dhex taagan Madaxweyne Waare iyo Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

About admin

Leave a Reply