Home / Wararka / Gudoomiye Yariisoow”Beesha Waceeysle boos ugama banaano gobolka Banaadir oo waa Dowlad-diid”

Gudoomiye Yariisoow”Beesha Waceeysle boos ugama banaano gobolka Banaadir oo waa Dowlad-diid”

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) oo inta badan ku hadaaqo hadal aan laga fiirsan ayaa lagasoo wariyay oraah dad badan layaab iyo filan waa ku noqotay islamarkaana dad gaar ah gef ku ah.

Gobolka Banaadir waxaa la ogsoon yahay in laga xaalufiyay shaqaallaha beesha Abgaal gaar ahaan waceeysle,taasna waxaa sabab u ah gudoomiye yariisoow sida MOL ay ogaatay.

Odayaal dhaqameed u dhashay Beesha Degta Bariga gobolka Gal-gaduud oo u tegay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) ayaa waxaa ay kala soo kulmeen ijaafeeyn xoogan .

Sida MOL loo xaqiijiyay Odayasha ayaa Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) ka codsaday in uu shaqaaleeysiiyo dhalinyaro u dhashay beeshooda waxaana uu ugu jawaabay””Beesha Waceeysle boos ugama banaano gobolka Banaadir oo waa Dowlad-diid” taas oo si aad ah uga xanaajisay odayaashii.

Dadbadan ayaa horay u aaminsanaa in Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) uu yahay shaqsi aan tirsi iyo tayo toona laheeyn,hadana waxaa ay tani cadeeyn u tahay xiqdiga fog ee ku duugan qalbigiisa.

Odayaashii oo arrinkas ka carooday ayaa kasoo baxay xafiiskiisa waxaana hada taagan tashiyo looga jawaabaayo arrinkaas iyadoo la gaarsiiyay ilaa beesha Mudulood.

About admin

Leave a Reply