Ciidamada Itoobiya ayaa duulaan kusoo galay magaalada Muqdisho sanadkii 2006-kii, xiligaasi oo inta badan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ay nabadgelyo kusoo celiyeen Golihii Midowga Maxaakiinta Islaamiga ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu hoggaaminayay.
Xilligaas, Itoobiyaanka ayaa taageerayey dowladdii KMG ee Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geeddi hoggaaminayeen oo fadhigoodu ahaa magaalada Baydhabo, waxaana duulaanka uu yimid kadib markii ay dhammaatay rajo laga qabayo wada-hadallada dowladdii KMG aheyd iyo Maxaakiimta.
Awooddii Maxaakiimta ee Muqdisho ka saartay qabqableyaashii dagaal ayaa waxaa ay dhalisay in wada hadalo lala galo Maxaakiimtii, hase ahaatee waxaa si fudud oo ka fiirsasho laheyn iyo siyaasad xumo dhinaca maxaakiimta ay sababtay in ciidamadii Itoobiya duulaan kusoo galaan Muqdisho, cid walbana ka dheregsan tahay wixii ka dhashay, mana doonayo inaan ku fogaado musiibadii xiligaasi dhacday.
Sababta soo dedejisay xiligaasi in Muqdisho si fudud usoo galaan ciidamadii Itoobiya ayaa kow ka aheyd hadalkii ka fiirsasho la’aanta Yuusuf Indha fagaaraha Tarabuunka ka jeediyay ee ahaa in “Ciidda waxaan ku tukan doonaan Addis Ababa.”
Hadalkaasi waxaa la oran karaa wuxuu dhabar jabiyay halgankii Maxaakiimta iyo rajadii laga qabay inay wada hadlaan DKMG ee C/llaahi Yusuf iyo Golihii Maxaakiimta.
Siyaasad xumadii iyo khibrad xumadii Maxaakiimta waxay sababtay in ciidamadii Itoobiya ay xasuuq ka geysteen Muqdisho, fursadna u noqotay DKMG ee Cabdulaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi oo aakhirkii Villa Somalia ku yimid taangiyadii Itoobiya.
15 sano kadib, oo laba dowladood ay ka danbeeyeen DKMG ee C/llaahi Yusuf waxaa dalku uu qabtay wado ka duwan tii hore, waxaana dalka ka hana qaaday dowladdo dimoqraadiyad ah oo doorasho ku yimid, hase ahaatee dowladdii 3-aad ee lasoo doortay 8-dii Febraayo 2017-kii madaxweynahana ka noqday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kuma guuleysan inay qaato wadadii dowladdihii ka horeeyay ee xukun isku dhiibka ahaa.
Afar sano oo xukunka uu hayay Farmaajo wuu ku fashilmay inuu dalka u horseedo doorasho nooceey doonto ha ahaatee, wuxuu doorbiday in dalku doorasho galo, taasoo ka dhalatay buuq iyo in shacabka kalsoonidii ay u hayeen afar sano ka hor naceyb ugu badalaan.
Waxey aakhirkii kusoo biyo shubatay in Farmaajo xukunku isku dhejiyo isagoo baal maray dastuurkii qeexayay in dalku doorasho galo afartii sanaba mar, taasoo keentay guux dadweyne iyo mid siyaasiyiin xukun doon ah.
Shirar kala duwan oo loogu gogol xaarayay qabsoomida doorasho la isla ogal yahay ayaa fashilmay, maamuladii dalka ayaa kala qeybsamay, in la aado doorashadana waxaa ay kusoo biyo shubatay khilaaf ka dhashay qaabka doorasho ee maamulka gobolka Gedo ee Jubaland ka tirsan, madaxweyne Farmaajana guuldaradiisa siyaasadeed iyo mastuqbalkiisa oo xumaado ayuu ka dhex arkay in haddii maamulka Axmed Madoobe maamulo doorashada Gedo, taas badalkeedna wuxuu caqabad ku noqday heshiis walba oo arrinta gobolka Gedo laga gaaro.
Shirarkii kale ee lagu balamayna ay noqdeen kuwo caqabada ugu weyn ee xal loo heli waayay noqotay maamulka doorashada deegaan ee Gedo, madaxweynahana uu doorashadii qaran u xagal daaciyay hal gobol oo uu kasoo jeedo.
Golaha Midowga Murashaxiinta oo qabay tuhun ah in Farmaajo doorasho qaban doonin ee uu doonayo mudo kororsi ayaa wado walba u maray sidii loogu dhaadhicin lahaa inuu dalka doorasho u horseedo, hase ahaatee xiligii mudo xileedkiisii dhamaaday 8-Febraayo, waxay murashaxiinta abaabuleen bannaanbax nabadeed oo lagu dalbanaayo in xukunka uu banneeyo, dalkana doorasho ka dhacdo, taasina waxay horseeday wajiyo kale oo colaad iyo saan saan aan wanaagsaneyn.
Golaha Midowga Murashaxiinta waxay iclaamiyeen bannaanbax nabadeed oo 19-kii bishan ka dhici lahaa Taallada Daljirka Dahsoon, hase ahaatee wuxuu isku badalay Jimca “Dhiigeed” maadaama dowladda ay kasoo horjeesatay, waxayna taasi sababtay in weerar aan loo qiil dayin lagu soo qaado madaxweyneyashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sh. Axmed oo hormuud u ahaa bannaanbaxyadaasi oo cabsi geliyay madaxweynaha xilka ka dhamaaday ee Farmaajo.
Waxaa guuldareystay dadaaladii Imaamka, Ugaaska iyo waxgaradkii gobolka Banaadir oo waxba kama jiraan laga soo qaaday balanqaadyadii labada dhinac ay galeen.
Hadaba waxaa la isweydiinayaa bannaanbaxaasi nabadeed ee midowga murashaxiinta ku baaqeen ma waxaa fashiliyay Yuusuf Indha-Cadde oo habeenimadii Jimcaha soo galeysay tegay goobtii bannaanbaxa ka dhici lahaa subaxdii Jimcaha, hadalkii uu ka jeediyay ee uu ku sheegay in dowladdi dalka ka jirin, mise kooxda Farmaajo ayaa sabab u ahaa weerarkii lagu soo qaaday Madaxdii hore ee dalka ee deganaa hotelka Maida ee aan ka fogeyn halkii balantu aheyd in bannaanbaxa ka dhaco?.
Dad badan ayaa waxay dib usoo xusuusisay hanjabadii Yusuf Indha Cadde xiligii Maxaakiimta in Addis Ababa ay ku tukan doonaan Salaada Ciida oo xiligaasi ay ku beegneyd, waxayna tanina la mid tahay fashilkii xiligaasi ku dhacay maxaakiimtii Islaamiga ee nabadeeyay bartamaha iyo koonfurta Somalia.
Waxaa Qoray: Ali Muhiyaddin