BEEGSI LAGU HAYO MAS’UULIYIINTA SHIRKADDAHA DHISMAHA EE KA SHAQEEYA GoBOLKA SHABEELADA HOOSE

3631

Maxamed Cabdiraxmaan Ismaaciil oo ah Maamulaha Shirkadda Dhismaha iyo Adeega Guud ee SIYAMA ayaa waxaa uu ka badbaaday isku day dil ka dib markii isaga oo sii galaya xafiiskiisa oo ku yaala Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Hodan ay soo weerareen Kooxo hubeysan oo afka soo xirtey ayna rasaas ku fureen.

Waxaa la sheegey in dhaawacyo fudud ay ka soo gaareen weerarkaas labo ka mid ah shaqaalihii Shirkadda oo markaa la socoday Maamulaha, waxaa la sheegey in Kooxdii weerarka geysatey ay goobta isaga baxsadeen.

Weerarkaan lagu qaadey Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Ismaaciil waxaa Cambaareyey Hay’adahae Xaquuqul Insaanka iyo Bulshada Rayidka, waxayna dalbadeen in baaritaan lagu sameeyo Weerarkaas oo ay ku tilmaameen mid Caqabad ku ah dhisida Dhismayaasha Danta Guud ee lagu hormarinayo Deegaanada ay ka shaqeyso Shirkadda iyo Mas’uuliyiintooda.

Intaa ka dib waxaa noo suurto gashay in aan wareysi la yeelano Maamulaha Shirkadda SIYAMA Mudane Maxamed Cabdraxmaan Ismaaciil Wuxuu noo sheegay in aysan hada kow u aheyn Falalkaan oo kale ayna hore u dhacday mar Shirkadda ka shaqeynaysey Mashruuca Dhismaha Kawaanka Hilibka iyo Khudaarta ee Degmada Marka Mashruucaas oo ay maalgelineysay Hay’adda IOM Somalia in lagu soo weeraray Bam gacmeed oo aan wax Khasaaro uusan geysan Wuxuu ku sii daray “Anagoo fulineyna Mashruuc kale oo laga dhisayay Xarunta Degmadda Awdhegle oo ay maalgelineysay Hay’adda NIS Foundation dhowr jeer Shirkadda Gaadiidkeeda Dhagaxaan iyo Ciida sida jidka loo galay ka dib markii loo dhigay Miino waxaana waxyeelo ka soo gaartey qaar ka mid ah Gaadiidkii Shirkada u shaqeynayey.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegey in mashruucii ugu dambeeyay ee Shirladda dhiseysey ee ahaa Dhismaha Xarunta Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose oo ay Maalgelineysay Hay’adda TIS+ ay kala kulmeen Hanjabaadyo joogta ah oo ahaa in haddii aysan joojin howlaha Qandaraasyada ee ay ka qaadanayaan Hay’addaha shisheeye in ay ka qaadi doonaan talaabo adag.