Booliska Somaliland oo xabsiga dhigay dhallinyaro ku labistay dharka buluuga ah

1173

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xabsiga dhigay ilaa laba dhallinyaro ah oo magaalada Hargeysa ku xusay 1da Lulyo oo ah, kaddib markii laga soo qabtay goobo kala duwan.

Wiil lagu magacaabo Cawaale ayaa xalay laga qabtay goob uu kaga sugnaa magaalada Hargeysa, kaasi oo labisnaa tuutaha buluuga ah ee u eg calanka Soomaaliya, isla markaana waxa uu bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ugu hambalyeynayo 1da Luulyo.

Sidoo kale wiil isna magaciisa lagu soo koobay Gabiley ayaa la sheegayaa inay qabteen ciidamada Booliska Somaliland kaasi oo xirnaa dhar ka sameysan calanka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah saraakiisha Booliska maamulka Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkani uu yahay mid lagu xaqiijinayo iyo xasiloonida Hargeysa, isla markaana dhallinyarada ay qabteen waxay sheegeen in sharciga la hor geynayo.