Ciidanka Dowladda oo la wareegay degaan ka tirsan Gobolka Mudug

810

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa la wareegay deegaan dhaca Koonfurta Gobolka Mudug oo dhawaan isaga baxeen Al-shabaab, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Ciidamada ayaa la wareegay gacanta ku heynta deegaanka Caad oo la sheegay in Saldhig ay ku lahaayeen xubno ka tirsan Al-shabaa, waxaana haatan ku sugan Ciidanka dowladda Federaalka.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka ayaa xaqiijiyay in deegaanka laga sameeyay howlgal amniga lagu xaqiijinayay, isla markaana xaaladda ay tahay mid degan, sidoo kalena ay doonayaan inay qabsadaan deegaano kale.

Ciidamada Xoogga Dalka Qaybta 21-aad iyo kuwa daraawiishta Galmudug ayaa muddooyinkii dambeeyay Koonfurta Gobolka Mudug ka waday dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo ay ku doonayaan in Al-shabaab looga saarayo Mudug.

Wasiirka Amniga Galmudug  Axmed Macalin Fiqi iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa booqday fariisimo Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ku leeyihiin deegaanka Bacaadweyn iyo deegaano kale, waxaana Wasiir Fiqi xilligaas uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shaabab.