Galmudug oo bilowday wajiga labaad ee xareynta Maleeshiyaadka iyo hubkooda

1158

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in wajiga labaad ee xareynta maleeshiyaadka iyo hubka ay heystaan ay ka bilaabeen Gobolka Galgaduud oo deegaanno dhowr ah ay ku sugan yihiin dhalinyaro u abaabulan hab beeleed, kuwaasi oo iyagu hubkooda heysta.

Fiqi ayaa tilmaamay in qaybtii koowaad ee hub uruurinta iyo xareynta Maleeshiyaadka ay ka sameeyeen Gobolka Mudug, isla markaana tababar geliyeen dhalinyaradii jidgooyooyinka dhigan jiray, halka goobihii ay ku sugnaayeen la dhigay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska.

Xerada Indha Qaris ee Gobolka Mudug waxaa lagu tababarayaa maleeshiyaadkii hubeysnaa si looga dhigo dufcada koowaad ee Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Odoyaasha dhaqanka wuxuu Wasiirka amniga kala hadlay sidii ay gacan uga siin lahaayeen maamulka Galmudug xareynta maleeshiyaadka, hubka ay heystaan oo gacanta maamulka uu galo iyo tababar loo geliyo si loogu kala biiriyo qaybaha kala duwan ee Ciidamada.

Deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud waxaa ku sugan maleeshiyaad hubeysan oo mararka qaar isku dhaca, jidgooyooyin dhigta isla markaana aysan jirin cid ay ka amar qaataan, marka laga tago hoggaan ay sameysteen.

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa dhawaan sheegay in isbadal Nabadgalyo uu ka dhalin doono Deegaanno dhowr ah oo aan gaarin howlaha maamulka, lana geyn doono Ciidamada Ammaanka.