GANACSADE YUUSUF: “Dhibaatada Soomaalida loogu geysto dalka South Africa waa mid ka duwan Afrikaanka kale”

1153

Waxaa sii kordhaya dilalka iyo dhibaatooyinka loo geysto ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika, iyadoo lagula kaco gabood fallo ku saleysan cunsuriyad iyo takoor inta badan uga imaanaya muwaadiniinta dalkaasi.

Ganacsade Yuusuf Muxudiin Maxamed (Xorow) oo ka mid ah ganacsatada dalka Koonfur ku leh mehradaha ganacsi ayaa shabakadaan uga warbixiyay xaaladda Soomaalida degan dalkaasi, isagoona sheegay inay ka duwan yihiin qowmiyadaha kale ee Afrikaanka ah oo dalkaasi ku dhaqan.

“Dhibaatada Soomaalida loogu geysto dalka South Africa waa ka duwan Afrikaanka kale” ayuu yiri Yuusuf Muxudiin Maxamed oo sheegay in dadweynaha dalkaasi ay heysato dhibaato ka dhalatay xilligii midab takoorka ee uu cadaanka ka talinayay.

Waxa uu sheegay in dalka South Africa ilaha dhaqaalaha iyo kaabayaasha muhiimka ah ay weli gacanta ku hayaan shirkadaha ay leeyihiin dadka cadaanka ah, taasina ay sababtay in dadka madowga ah halganka ugu jiraan sidii ay iyagu u maamuli lahaayeen dhammaanba howlaha haatan gacanta ugu jira dadka cadaanka.

“Soomaalida ku ganacsata dalka Koonfur Afrika waxaa mar kasta dhibaatooyin kala duwan u geysta kooxo ay madax martay cunsuriyadda oo aaminsan in dadka ajnabiga ah kala wareegayaan howlahooda” ayuu yiri ganacsade Yuusuf oo sheegay in dhibaatada u goonida ah Soomaalida aanay la qabin Afrikaanta kale ee wadankaasi ku dhaqan.

Ganacsade Xorow oo sii hadlayay ayaa sheegay in Soomaalida ay uga duwan yihiin Afrikaanka kale ay tahay iyagoo aan dhex gelin bulshada dalka u dhalatay sida ay u dhex galeen qowmiyadaha kale ee Afrika u dhashay sida Nigerian-ka, Itoobiya, Kenyaatiga iyo guud ahaan dadka madowga ah taasina ay sababtay inay dhibane u noqdaan kooxaha cunsiyadeysan.