Kudladda Murashaxiinta M/weyne ee KMM oo Ka Horyimid Go’aanada Shisheeyaha ee La Xiriira Hogaaminta Dalka Soomaaliya.

779

Kudladda Murashaxiinta M/weyne ee KMM oo Ka Horyimid Go’aanada Shisheeyaha ee La Xiriira Hogaaminta Dalka Soomaaliya.

UJEEDO:              WAR-SAXAAFADEED.                                                                                                                                                                   Muqdisho/       11/02/2021.

REF–/KMM/005/2021.

 

Kulan ay Maanta Yeesheen Kudladda Murashixiinta M/weyne ee KMM Ayaa Waxaa Looga Hadley Arrimaha Masiiriga, Dalka iyo Xaaladda Kala Guuurka ah ee Dalku Ku Suganyahey,iyadoo uu Shir Gudoominayey Gudoomiyaha Kudladda Murashixiinta M/weyne ee KMM Cumar C/qaadir Axmed Fiqi,ayaa Dood iyo Falanqeyn Kadib Xubnaha Kudladda Murashixiintu Waxey Isku Raaceen Qodobadan:- 

  1. Kudladda Murashixiinta M/weynee ee KMM Waxey Si Buuxda usoo Dhawynayaan Soo Jeedinta Shirka 15ka Bishan Feb ee Sanadkan 2021 oo ay ka Harsantahey Afar Beri Kaliya. 
  1. Sidoo Kale Kudladda kmm Waxey Taageereysaa In Shirku Ka Dhaco Magaalada Muqdisho Isla Markaasna La Balaariyo Laguna Soo Daro Bulshada Rayidka iyo Murashaxiinta Xilka M/weynaha U Socda Xubno Shirka Ku Metelaya Maadaama ay Maamul Goboleedyada iyo Dawladda Federalku Heshiis Wada Ogol ah Gaari Waayeen,Daneeyayaasha Arrimaha Soomaaliyana Shirka Goobjoog Ka Noqdaan Iyagoon Marnaba Faragelin Ku Sameyneyn Arrimaha Madaxda Soomaalidu Isku Hayaan. 

3 Kudladda Murashixiinta M/weyne Waxey Uga digayaan Hay’adaha Qaramada Midoobey Wakiilka uga ah Soomaaliya iyo Daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya In ay Jaan gooyaan Arrimaha Masiiriga ah ee ay Siyaasiyiinta Soomaalidu Isku Hayaan,isla Markaasna Soomaalida u Daayaan Arrimaha Dhexdooda ah.Daayaan Arrimaha Dhexdooda ah,Marka Laga Reebo Taakuleyn Dhaqaale iyo Qabsoomidda Shirarka. 

4 kudladdu waxay si cad u diidan tahay talo soo jeedinta beesha caalamka,ee La Xiriirtey Xil haynta Hogaanka Qaranka Soomaaliya, waxeyna ka soo horjeedaa sii socoshada mariinkii afar sano waxba looga qaban waayey, waxeyna Kudladda, KMM, dalbaneysaa in la helo shirka ka hor isbedel hogaanka Dalka ah. 

5. Ugu Danbeyntii Kudladda Murashixiinta M/weyne Waxey Ugu Baaqayaan Hay’adaha Dastuuriga Waqtigoodu Idlaadey,Maamul Goboleedyada Xubnaha Ka Ah Dawladda Federalka,iyo Murashixiintaba In ay Ka Fogaadaan Wixii Keeni Kara Khal Khal Siyaasdeed iyo Kala Fogaansho Dadka Soomaaliyeed Dhexdooda ah.

 

                                  Wabillaahi Towfiiqq.

                                         DHAMAAD.