Magaalada Garbahaarey oo ka dhacay dibadbaxyo looga horjeedo Axmed Madoobe

1132

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garbahaarey Xaawo ee xarunta gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan bannaanbaxyo looga horjeedo Axmed Maxamed Islam Axmed Madoobe, iyadoo waddooyinka waaweyn ee magaaladaasi ay isugu soo baxeen dadweyne fara badan.

Dadka dibadbaxyada dhigaya oo isugu jira odayaal, dhallinyaro rag iyo dumar isugu jira ayaa si xoogan uga hadlay maamulka Jubaland oo ay sheegeen in Axmed Madoobe aanu ka talin doonin magaalada Garbahaarey iyagoona u sababeeyay arrimo dhowr ah.

Qaar ka mid ah odayaasha gobolka Gedo oo halkaasi ka hadlay ayaa dalbaday in la soo farageliyo arrimaha gobolka, bacdamaa sida ay hadalka u dhigeen maamulka Axmed Madoobe ee ka arrimiya magaalada Kismaayo ku hayo dhibaatooyin kala duwan.

Dibadbaxyada ka dhacay magaalada Beled Xaawo ayaa yimid xilli gobolka Gedo gacan ku heyntiisa ay la wareegtay dowladda dhexe ee federaalka kaddib markii ay isku dhaceen Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo doorasho muran dhalisay dib loogu doortay inuu hoggaamiyo maamulka Jubaland.

Shacabka ku dhaqan gobolka Gedo ayaa labadii sano ee ugu dambeeyay wajahayay dhibaatooyin uga imaanaya loolanka u dhaxeeya Dowladda dhexe iyo maamulka Jubaland, iyadoo Kacdoonka dadweynaha magaalada Garbahaarey uu sii kordhayo saacadba saacadda ka dambeysa.