Milateriga Soomaaliya oo albaabada u laabay masjid ku yaala degmada Guriceel

976

Ciidamada milateriga dowladda dhexe ee federaalka ayaa albaabada u laabay masjid in muddo ah xirnaa oo ku yaala degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dib u furista masjidkaasi ayaa waxaa ka dhashay buuq faraha, waxayna arrintaasi sababtay in maalintii shalay ay bannaanbaxyo ka dhacaan bartamaha magaalada Guriceel, kuwaasi oo iyagu taageerayay tallaabada ay qaadeen ciidamada.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dib u furista masjidkaasi oo ay leeyihiin culimada ururka Al-Itixaad isla markaana dadka lagu barayo diin aan u wanaagsaneyn degaanka.

Jan. Mascuud oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda kana tirsan dariiqada suufiyada ayaa horay u sheegay in masjidkaasi dib u furistiisa ay khatar ku tahay amniga guud degaanada hoos yimaada dowlad goboleedka Galmudug.

Hadalka Janaraalka ayaa keenay in ciidamada milateriga albaabada u laabaan iyagoona horay u sii qaatay dhammaanba qalabkii halkaasi yaalay.