Siyaasi Axmed Cali Aweys: “Xasan Cali Kheyre wuxuu ahaa shaqaale”

1568

Waxaa weli iska soo daba dhaca aragtiyaha kala duwan ee laga bixinayo mucjisadii dhowaan ka dhacday golaha Baarlamaanka Federaalka kaddib markii daqiiqado yar gudahood lagu riday Ra’iisal Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Axmed Cali Aweys oo horay xildhibaan uga noqday wadanka Norway ayaa mar uu u waramayay Radio iyo TV Somaliweyn ayaa ka hadlay xaaladda wadanka maanta ka taagan, gaar ahaan doorashooyinka uu dalka wajahayo.

Siyaasi Axmed Cali Aweys ayaa sheegay in xukuumadda kalsoonida lagala noqday ee Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ay ku guul darreysatay hannaanka dowliga ah ee dalka ka hanaqaaday, isagoona eeda arrintaasi dusha ka saaray madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

“Xasan Cali Kheyre wuxuu ahaa shaqaale, markii laga dhameystay dantii laga lahaana waa la eryay” ayuu yiri Siyaasigaan oo haatan ka tirsan gobolaha degaanka dalka Norway, wuxuuna sheegay in Madaxweyne Farmaajo doonayo inuu iska sii joogo madaxtooyada Villa Somalia.

Waxa uu sheegay inaan dowlad loo baahneyn balse loo baahan yahay in la helo hannaan wadatashi iyo in dalka ay ka dhacdo doorasho wadar ogol ah, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay culeys ku tahay in Madaxweyne Farmaajo laga bilaabo.