Tirada dadka cudurka COVID-19 ugu geeriyooday Soomaaliya oo korortay

977

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay Tirada dad hor leh oo u geeriyooday Cudura halista ah ee COVID-19, kuwaasi oo kamid ahaa bukaano uu la jiifay oo uu mar hore ku dhacay.

Warbixinta maalinla ah oo ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay Cudurka ay ugu geeriyoodeen 8 qof oo tirada dalka COVID-19 ugu dhimatay Soomaaliya ka dhigeysa 231 ruux.

1,830 qof ayaa laga baaray Cudurka 27-ka bishaan Febraayo 2021, waxaana COVID-19 laga helay 304 kamid ah dadkaas, isla markaana waxaa  147 kamid ah ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho,  Hirshabeelle,  77 qof, Somaliland, 53 ruux, Jubbaland 15 qof, Galmudug, 7 iyo Koonfur Galbeed laga diiwaan-geliyay 5.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda ayaa sheegtay in 185 kamid ah dadkaas ay yihiin Rag, halka 119 kalena waa Dumar, waxaana saacadihii lasoo dhaafay ka bogsaday saddex qof oo kamid ahaa dad uu horey ugu dhacay.

Tirada dadka kunool Soomaaliya ee laga helay Cudurka ayaa haatan gaartay 6,991 ruux, isla markaana waxaa ka bogsatay 3,787 qof, iyadoona Wasaaradda Caafimaadka dadka ugu baaqday inay sameeyaan taxadar dheeraad ah, si looga fogaado faafida COVID-19.