Turkish Airline oo dib u bilaabaysa duulimaadyadeedii Soomaaliya

1599

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa qorshaynaysa inay dib u bilawdo duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Afrika, oo ay kujirto magaalada Muqdisho, taasoo bilaaban doonta usbuuca soo socda.

Diyaaradda ayaa durba bilowday inay duulimaad ku sameyso Qaahira.

Shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines waxay duulimaadyada caalamiga ah dib u bilaabeen 11-kii Juun.

Turkish Airline waxay joojisay ku dhowaad dhammaan duullimaadyadii caalamiga ahaa 27-kii Maarso taas oo ay ugu wacneyd masiibada COVID-19.

Diyaaradda Turkish Airlines waxay dhawaan bilowday duullimaadyo maalinle ah oo ay ku tagayso Qaahira oo bilaabatay Arbacadii, waxaana ku xiga saddex jeer usbuucii ah oo ay ku tagayso Nairobi 10-kii July, iyo Addis Ababa 13-ka July.

Waxaa la filayaa inay duulimaadyada Soomaaliya dib u bilaabi doonto bisha July 22, iyadoo sameynaysa seddex duullimaad usbuucii oo kala ah, Arbacada, Jimcaha iyo Sabtida. Waxay diyaaradda sidoo kale dib u bilaabi kartaa duullimaadyadii maalinlaha ahaa ee Muqdisho ilaa bilowga Ogosto.

Diyaaraddii ugu dambeysay ee Turkish Airlines ee tagta Muqdisho waxay ahayd 17-kii Maarso.