Weerar qasaaro geystay oo lagu qaaday ganacsato Soomaalida K/Afrika

200

Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa ay habeenkii xalay aheyd deegaan ka tirsan Magaalada Cape-town ee dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka halkaas ku lahaa goob Ganacsi.

Burcadda ayaa weerar ku qaaday Muwaadinka Soomaaliyeed, xili uu watay gaari, isla markaana socdaal ku marayay xaafadda Elsie’s River ee Magaalada Cape Town, iyagoona rasaas xoogan ku furay, kadibna uu ku dhintay.

Allaha u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa magacaabiisa lagu soo koobay Ilyaas, waxaana weerarka lagu qaaday ka badbaaday saddex kale oo Muwaadiniin Soomaali ah oo gaariga la saarnaa.

Raggii hubeysnaa ka dambeeyay falka ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, isla markaana waxaa durbo xaafadda Elsie’s River tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika oo sameeyay baaritaano aan wax natiijo ah kasoo bixin.

Dalka koonfur Afrika ayaa waxaa uu yahay dal inta badan dilal kala duwan iyo boob loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana sanadkaan gudihiisa lagu dilay Muwaadiniin farabadan oo lahaa goobo Ganacsi.