Gabar qabsatay baraha bulshada Soomaalida oo digniin lama filaan ah laga soo saaray

2342

Gabar lagu magacaabo Ruweydo Maxamed ayaa ka yaabsatay dadka isticmaala internet-ka, kaddib markii ay soo dhigtay jawaab uu siiyay weriye C/risaaq Catoosh mar ay ka codsatay inuu shaqo siiyo xilli ay kala xiriirtay aaladda Whatsup-ka.

Warkii ay is dhaafsadeen Ruweydo iyo weriye Catoosh oo lagu baahiyay barta Facebook ee inta badan Soomaalida ku xiriirto ayaa siyaabo kala duwan looga fal celiyay, iyadoo jawaabta weriyaha sababtay inay saaxibadiisa Facebook dib uga laabtaan (unfriend) dhahaan.

Haddabada Ruweydo Maxamed ayaa daqiiqado gudahood waxay heshay 10 shaqo ka badan iyo lacag gaareysa 14kun dollar, hase yeeshee waxay aqbashay dalab uga yimid Pizza House, waxaana loo magacaabay madaxa xafladaha.

Gabadhaan sida mucjisada leh cirka u gashay, ayaa waxaa dad badan oo daraaseeyay waxay digniin ka bixiyeen habka loo aamini karo bacdamaa dhaqankeedu u muuqdo mid qarsoon isla markaana heysata tababar la mid ah kooxaha argagixisada.

Arrintu si kastaba ha ahaatee waxaa kale oo ka mid ah shakiga ay muujinayaan daraasadda lagu sameeyay gabadhaan iyadoo heysata ama isticmaasha lambarro kala duwan oo ah shirkadaha isgaarsiinta ee dalka ka jira qaarkood.

Gabadhan waxaa kale oo ay isticmaashaa laba magac lamana ilaa iyo iminka inay magacyo kale leedahay, waxayna arrintani isku mid ka yihiin kooxaha argagixisada ah oo iyagu leh ilaa shan magac, hase yeeshee waxaa intaasi ka sii daran iyadoo mar kastaba wejiga qarineysa si

Ruweydo Mohamed magaceeda waa Nawaal Maxamed Abuukar,telefoonka u diiwaan gashan waa hal telefoon,kaas oo ah kii ay isticmaalaysay 2019 kii,labada kale ee wax magac ah kuma qorna,war jiraaba cakaaruu imaan.

Posted by Mohammad Diinooz on Wednesday, August 26, 2020