Weeraro layaab leh oo xalay lagu qaaday degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir

1607

Waxaa saakay xaaladda magaalada Muqdisho, kaddib markii xalay ay ka dhaceen weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Weerarada oo ahaa kuwo layaab leh ayaa u muuqday inay yihiin kuwo abaabulan, maadaama 8 degmo hal mar laga bilaabay 8 degmo oo gobolka Banaadir ka wada tirsan.

Degmooyinka la weeraray waxaa ka mid ah: Shibis, Kaaraan, Daynile, degmada Wadajir iyo qaar kale, waxaana la sheegayaa in ciidamada ay gacanta ku dhigeen dad ka badan 5 qof.

Dhinaca kale waxaa jira qasaarooyin yasiran oo soo gaaray dad ka dhowaa goobaha ay wax ka dhaceen kuwaasi oo loo qaaday goobaha caafimaadka.

Ma jirto ilaa iyo iminka cid sheegatay inay ka dambeysay weerarada qorsheysan ee xalay ka dhacay Muqdisho, inkasta oo Al shabaab horay u sheegan qaraxyo iyo dagaallo toos ah oo ay la galaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.