Ciidamada Turkiga ee ka howlgala xeebaha Soomaaliya oo mudada loo kordhiyay

781

Baarlamaanka dowladda Turkiga ayaa muddo kordhin u sameeyay howlgalka Ciidanka Turkiga ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed, kadib markii xalay Baarlamaanka uu kulan yeeshay.

Xildhibaanada ayaa dood iyo falanqeyn dheer kadib muddo ah hal sanno ah u kordhiyay howlgalka Ciidanka Turkiga ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya, iyagoona ansixiyay qararkaas, waxaana la gaarsiiyay sanadka 2022.

Sidoo kale Qaraarka ayaa lagu sheegay in howlgalka Ciidamada uu yahay mid muhiim u ah amniga iyo Maraakiibta Ganacsiga dalkaas ee mara Gacanka Cadmeed, waxaana howlgalka uu ku ekaa 10-ka bisha soo socota ee  February ee sanadkan 2021.

Ciidanka Turkiga ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed ayaa Maraakiibta iyo doomaha Ganacsi ah ee laga yahay dalkaas ka ilaalinaya Burcad-badeedda Soomaalida iyo weerarada kale ee dhinaca badda.

Sanadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa aad u yaraaday weerarada Burcad-badeedda ka geystaan xeebaha dalka Soomaaliya, waxaana xeebaha dalka ku sugan Ciidanka badda ee Howlgalka Midowga Yurub.