WAR CUSUB: Qarax qof meyd ah lagu xiray oo lagu khaarajiyay guddoomiye iyo taliye.

1089

Qarax lagu xiray qof meyd ah ayaa ka dhacay degaanka Goofgaduud oo ka tirsan gobolka Bay, iyadoo waxyeelo kala duwan ka soo gaartay dadkii meydka ku aasayay degaanka Googaduud.

Wararka ayaa sheegaya in halkaasi ay ku geeriyoodeen Gudoomiyihii Deegaanka Goof-gaduud Buurreey Isaaq Cali, Taliyihii Saldhigga booliska Goof-gaduud Xasan Isaaq Xasan, iyadoo waxyeello soo gaartay ilaaladooda iyo dad rayid ah.

Qaraxa ayaa nooca laga hago Remud-ka, waana markii ugu horeysay oo qof meyd miino lagu xiro si loogu adeegsado ehelada iyo dadka kale ee ka soo qeyb gelaya aaska.

Degaanka Goofgaduud Buurey oo 30km u jirta magaalada Baydhaba waxaa gaaray ciidamada ammaanka, mana jirto cid sheegatay inay ka dambeysay, hase yeeshee Al shabaab oo ka dagaalanta degaanada maamulka KGS ayaa lagu eedeeyay inay falkaasi ka dambeeyeen.