Shirka Dhuusamareeb3 oo laga cabsi qabo inuu dib u dhac ku yimaado

1412

Waxaa laga cabsi qabaa inuu dib u dhac ku yimaado wejiga saddecaad ee shirka magaalada Dhuusamareeb.

Shirkaan oo lagu madlanaa qabsoomidiisa 15 bishan, ayaa waxaa soo baxaya inaysan u diyaar garoobin dhinacyada dowladda iyo maamul goboleedyada.

Labada dhinac ayaa halkooda ka rakibtay khilaafyadii horay ugu dhaxeeyay, kaddib Saciid Cabdullaahi Deni madaxweynaha Puntland markii uu tegay Garowe dhaliil xoogan u jeediyay madaxda sare ee dowladda dhexe.

Kaddib markii uu soo dhammaaday shirka Dhuusamareeb2 baarlamaanka federaalka oo cod gacan taag ah u qaaday xukuumadda ra’iisal Xasan Cali Kheyre ayaa kalsoonida kal noqday.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in wixii ka dhacay golaha shacabka aanay sharci aheyn, sidaasi darteedna uu isagu tanaasulay.