Dowlada Kenya oo eedeyn nooc cusub ah u jeedisay DF

1454

Dowladda Kenya ayaa eedeyn nooc cusub ah usoo jeedisay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu kala dhaxeeyo khilaaf ka dhashay dhawr waxyaabood oo ay ugu dambeysay xiisadda ka taagan Gobolka Gedo ee Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay socdaan baaritaanno ay ku waddo eedeymo la xiriira in dhiigga lagu deeqo shacabka dalkaas, si sharci darro loogu iib geeyo dalka Soomaaliya.

Wasiirka caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan dowladda ay ku lug lahaan karaan howlaha la xiriira dhiigga Kenya laga xado ee lagu iibiyo Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ku hanjabay in la maxkamadeyn doono haddii ay ku cadaato saraakiisha baarista ay ku socoto inay si sharci darro ah dhigga u geeyeen Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay inuu aad usii yaraanayo keydka dhigga Dalkeeda, taasina ay keentay in baaritaan lagu sameeyey laguna ogaaday in loo iib geeyo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya weli kama aysan jawaabin eedeyntaan kaga timid wadanka Kenya, waxayna noqoneysaa eedeyntii ugu horeysay ee noocaan ah oo loo soo jeediyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa joojisay maalgelinta adeegga keydka Dhigga ee dalka Kenya oo ay waday 15-kii sano ee lasoo dhaafay.

Tallaabada uu Mareykanka ku joojiyey maalgelinta keydka Dhigga dalka Kenya ayaa sababay inuu yaraado Dhigga keydka inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin eedeynta Kenya ee ah in loo iib geeyo Soomaaliya.