Al-Shabaab oo muddo saacado ah la wareegay Degmo ka tirsan Shabeellaha Dhexe

797

Dagaal xoogan u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab arroornimadii horey ee saakay waxaa uu ka dhacay degmada Raagga-ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ku leeyihiin Raagga-ceelle, waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dagaalka kadib Al-shabaab ay u suura-gashay inay la wareegaan gacan ku heynta degmada, isla markaana uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda qadka ayey ku sheegteen in ay dagaal kula wareegeen degmada Raagga-ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Saldhigyadii Ciidan ee ku yaallay degmadaas.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka oo ku aadan la wareegida shabaabka ee Raagga-ceelle, iyadoo haatan xaaladda ay tahay mid degan.

Wararkii ugu dambeeyay ee la helayo ayaa sheegaya in Ciidanka Milateriga dowladda oo ku sugan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ay wadaan abaabul dagaal oo ay ku doonayaan inay dib ugula wareegaan degmada Raagga-ceelle oo laga qabsaday.