Booliska Haramcad oo howlgal dad lagu soo qabqabtay ka fuliyay Jowhar

1073

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska maamulka Hirshabeelle iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad saacadihii la soo dhaafay howlgal amniga lagu sugayo ka sameeyay Xaafadaha Magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad goboleedka Hrshabeelle.

Ujeedkiisu howlgalkaan ayaa ahaa adkeynta amniga magaalada, waxaana muddada uu howlgalka socday ciidamada waxay baarayeen gaadiidka, goobaha ganacsiga, guryaha iyo dadka qaar oo ciidamadu ay ku tuhmeen in ay qeyb ka yihiin falalka amni daro ee magaalada ka dhaca.

Taliye ku-xigeenka Saldhiga Booliska magaalada Jowhar Labo Xidigle Xasan Cabdulle Dhaqane ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in howlgalka lagu soo qabtay labo ruux oo la tuhmay iyo dad kale, kuwaas oo hadda lagu haayo saldhiga booliska Magaalada.

Sidoo kale Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska u mahadcliyay shacabka ku nool caasimadda Hirshabeelle, isla markaana waxaa uu shacabka ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamha amniga.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca falal amni darro ah oo geystaan rag ka tirsan Al-shabaab, waxaana xusid mudan in dhawaan Saldhig Ciidanka AMISOM ku leeyihiin halkaas lagu qaaday weerar loo adeegsaday madaafiic.