Fannaanka caanka ah ee Teddy Afro oo Addis Ababa ka dhigay show mideeyay Itoobiyaanka

2236

Magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya waxaa ka socda show aan caadi ahayn oo ay dhigayaan kooxaha fanka dalkaasi, iyadoo fagaaraha weyn ee Meskel Square isugu soo baxeen malaayiin ruux oo u soo daawasho tegay.

Fannaanka caanka ah ee Teddy Afro ayaa halkaasi ka qaaday heeso isugu jira Regea iyo kuwo kale, waxaana dadweynaha daawanaya muujinayeen taageerada ay u hayaan isaga, kuwaasi oo kor u lulayay calanka dalkaasi.

Heesaha fannaanka Teddy Afro ayaa ahaa kuwo xambaarsan dareen gooni ah oo farriin cad u dirayay dowladda Masar, taasi oo maalmahaan uu kala dhaxeeyay biyaha webiga Nile.