Cronavirus iyo Soomaaliya: Qodobada halista keeni kara

374

Cudurkani waa jirra xun oo dhimasho deg-dega leh. Dadka waaweyn ee buka iyo caruurta ayaa aad ugu dhega nugul in ay u geeriyoodaan.

Dadka qaarkii wuxuu aamin sanyahay in cudurkaan uu yahay mid la abuuray oo loogu tala galay in lagu baabi’yo wadama khaas ah oo Somaliya ay ku jirto. Hadaba si kastaba ha ahaatee, waxaa loo baahan yahay foojignaan iyo dareen qab in la idin gaadayo.

1. Dhaqaala xumada ka jirta Somalia. Wadanku ma haysto shey baaro iyo qalab lagu ogaado qofka cudurka qaba iyo qofka aan qabin. Wadanku ma haysto dhakhaatiir aqoon u leh cilmiga cudurada dadka gumaada, hadii ay jiraanna waa fara ku tiris. Somaliya ma haysato dhaqaale ay ku soo iibsato qalabka lagu baaro qofka cudurka qaba iyo kii aanu ku dhicin. Wuxuu wadanka Somaliya ka tirsan yahay wadamada dunida saddexaad; waxaana taas u sii dheer, xasilooni la’aan iyo gaajo. Taasna waxaa ka sii daran la’aamta Dawlada xoog leh.

2. Dhaqan-bulshada caafimaad xumada iyo dhakhaatiir la’aanta ka oogan Soomaaliya. Goobaha ganacsiga ee cunnada, kawaanada xoolaha lagu qalo, buraanlayaasha ama sayladaha hilbaha lagu gado, makhaayadaha cunnada lagu iibiyo, goobaha shaaha lagu gado waxaa badankooda lagu eedayaa nadaafad darro, iyo dadka ka shaqaya oo aan hufnayn. Goobaha shaaha lagu gado waxaad ku arkeysaa koobka shaaha oo aan la dhaqin oo dhowr qof isaga damaynayaan. Ama qofka shaaha gadaya oo haysto baaldi biya madoobaaday ku jiraan oo markii qof ku cabo koobka shaaha, inta biyaha la dhex geliyo mar qura, qofka ku xiga loogu shubo shaah. Waxaanu raja weyn ka qabnaa in qaybta caafimaadka ee Dawladaha hoose ee Dawlad Goboleedyada ay wax ka bedelaan si aan cuduradu u faafin.

3. Maamulada Dawlad Goboleedyada iyo Dawlada Dhexe oo awoodoodu yartahay in ay kaalin ka geystaan ka hortagga faafidda cudurka Cronavirus. Hogaamiyayaasha iyo maamulayaasha Dawlad Goboleedyada waxaa laga sugayaa in ay dhowaan ku dhawaaqaan awaamiir cusub oo si deg-deg ah lagu hirgeliyo si looga hortago cudurka Cronavirus. Gobolkii madaxdiisu seexato amase fududaysta ka hortagga cudurkaan, waxaa suura gal ah in cudurku ku dhaco dad badanna ay ku geeriyoodaan,; ka dibna dadweynihu nafdooda la cararaan ayna u gooshaan gobollo kale. Madaxda Dawlad Goboleedyada ka hortaga waxaa dhacaysa in dadka ku nooli ka nabad galaan cudurkaan faafaya. Saas darteed waxay madaxdaasi noqoneysaa mid ku soo noqota maamulka ama muddo dheer ku raagta maamulidda gobolkaas.

4. Jiritaanka cudurada kale oo hadii cudurkani ku larmo keenaya dhimasho deg-dega. Waxaan dadka cudurada kale qaba uga digeynaa in ay is ilaaliyaan si aan cudurkani ugu dhicin. Waxaa aad u yaraanaya tabarta qofka qabay cudur kale oo markii cudurka Cronavirus helo lamaane inuu halis gelinayo jiritaanka qofkaas. Waxaa haboon in dadka waaweyn, caruurta iyo dadka jiran laga fogayo magaalooyinka dadku ku badan yahay, loona raro miyiga dadku ku yaryahay.

5. Doorka Barayaasha Bulshada: Waxaa yididaalo weyn laga qabaa in barayaasha bukshada gaar ahaan websiteyada, idaacadaha, wargeysyada ay door weyn ka qaataan sidii ay dadweynaha wax ugu sheegi lahaayeen. Gaar ahaan in ay joogto ka dhigaan baahinta hufnaanta iyo faaiidooyinkeeda. Sidii dadku uga foojignaan lahaa sida loo kala qaado cudurada faafa gaar ahaan Cronavirus. Websiteyada waxaa laga sugayaa in ay u faaruqiyaan baalal u gaar ah sidii looga hor-tegi lahaa cudurka Cronavirus.

6. Dad weynaha oo dhega adag oo si qalafsan uga hor imaanaya waanada iyo casharada caafimaad hadii la baahiyo. Dadkeenii wuxuu u batay dad aan laga dhaadhici karin cudurada qaarkood sidii la isaga ilaalin lahaa.

7. Iska hor imaad siyaasadeed oo curyaamin kara ka hortagga iyo la dagaalanka cudurka Cronavirus. Dadka qaarkood waxay siyaasadda geliyaan meeshii ay u geli karto. Intii ay tix gelin lahaayeen danta dadweynaha Somaliya, waxaa ka weyn danta gaarka ah ee dadkaasi wax ka helayaan. Waxaan raja weyn ka qabnaa in dadka danaha khaaska ah wata ay ka tanaasulaan danaha raqiiska ah ee waxyeelaynaya midnimada iyo jiritaanka Somalia.

8. Xuduudada Somaliya oo wada furan iyo ilaalinta xuduudyada oo qallafsan. Dawlad goboleedyada waxay ilaalin karaan garoomada diyaaradaha iyo dekedaha oo qora. Qaarkood waxay ku dari karaan ilaalinta wadooyinka ay la leeyihiingobolada la jaarka ah, hase yeeshee gaadiidka qaarkiis wuu ka leexan karaa wadooyinka. Dawlad goboleedyada jaarka ah waxay iska kaashan karaan sidii iyaga oo midaysan uga hortegi lahaayeen cudurka Cronavirus. Hadii mid ka mid ah dawlad goboleedyada iska bahaystay la dagaalanka cudurkaan, dayaco kaalinta laga sugayey, dawlad goboleedyada kale waa in ay ka gaashaan taan sidii ay isugu filaan lahaayeen.

9. Kaalinta Qurba Joogta:- Waxaan tala ku soo jeedineynaa in qurba joogtu ku negaato wadamada ay joogaan ilaa cudurka Cronavirus looga helayo dawo lagu saaro. Walaalayaal dadweynaha Somaliya waa sabool aan ka gaashaaman karin cudurkaan.

10. Kaalinta Dawlad Goboleedyada iyo Dawladda Dhexe: Ka hortagga cudurkaan waxaa kaalin weyn laga sugayaa Dawlad Goboleedyada si ay uga hortagaan

Dawlada Dhexe waxaa laga filayaa dhowr kaalin in ay ka qaadato ka hor tagga cudurka Cronaviris.

A). In ay si bareere ah ugu dhawaaqdo in ay xirayso xaduudada Somaliya ha ahaadaan bad iyo barri, gaar ahaan garoomada diyaaradaha iyo dekedaha iyo wadooyinka wadamada jaarka ah ka yimaada.

B). In ay in muddo ah ay joojiso bixitaanka iyo soo gelitaanka shaqaalaha iyo madaxda dawlada u gooshaysa wadamada kale.

C). In Dawladaha hoose ay siiso awood buuxda si ay u ilaaliyaan goobaha ganacsiga sida makhaayadaha, shaahlayaasha, hoteelada, garoomada bulshadu isugu tagto. Awooda buuxda ee la siinayo dawladaha hoose qaybahooda caafimaadka waxay isku hawlayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen hufnaanta goobaha cunnada lagu kariyo iyo weelasha wax lagu cuno nadaafadooda. Makhaayadaha, buraanlayaasha, kawaanada, shaahlayaasha iwm in ay u hogaansamaan nadaafadda. Shicibkuna in ay masuuliyad iska saaraan in ay dawladaha hoose u sheegaan meheradaha aan caafimaadka dhawrin.

Waxaa imaan karta in shaqaalaha dawladaha hoose ee u xilsaaran nadaafadda meheradaha qaarkood musuq-maasuq yaqaan. Hadaba waa inuu jiraa sharci qabanaya oo si xoog weyn leh u ciqaabaya dhuuni raaca.

Doorka weyn ay Dawladda Dhexe ka qaadan karto ka hortegidda iyo la dagaalanka cudurka Cronavirus waa codsashada qalab, dawooyin, dhakhaatiir iyo tababarro ku salaysan baahinta ka hortegidda cudurka iyadoo Dawlada Dhexe ka codsaneyso Hey’adaha Jamciyadda Quruumaha Midoobay qaybaha caafimaadka (WHO), Daryeelka dhallanka, Ururka Haweenka, iwm.

Sidoo kale in Dawlada Dhexe ka codsato wadamada saaxiibada ah macaawino dhaqaale sidii ay uga hortegi lahayd cudurka dilaaga ah ee Cronavirus.

Hadaba raja weyn waxaa laga qabaa in Dawlada Dhexe si cadaalad ah ugu qaybiso macaawinada Dawlad goboleedyada iyadoo loo sed burinayo hadba cudurku siduu u saamayo. Waxaan filaynaa in Dawladda Dhexe iska ilaaliso in macaawinada la soo baryey la dhex geliyo siyaasad iyo musuq-maasuq, Qofkii lagu helona, sharciga lala tiigsado, iyadoo dil loogu abaal gudayo.

11. Kaalinta Ururada Islaamka iyo Culumau diinta ee Somaliya:- Kaalinta ugu horaysa waa akhrinta Quraanka kariimka ah iyo tafsiirta iyagoo culays weyn saaraya nadaafada si dadweynuhu ugu hormaraan hufnaanta si aan cuduradu ugu dhicin. In ay idaacadaha dadweynaha ugu baaqaan ka hortagga cudurada gaar ahaan cudurka Cronavirus iyo wixii la mid ah. Waxaa kaloo laga sugayaa culumaau diinka iyo URURADA Islaamka Somaliya in ay kaalin weyn ka qaataan difaaca xuduudada Somaliya si aan dad cadawga Somaliya soo direen aaney u soo gelin cudurro.

12. Kaalinta Ururada Hubaysan ee Madaxa Banaan:- Waxaan ka filaynaa in ay usoo jeensadaan sidey cadawga uga ilaalin lahaayeen in aan xuduudada la soo gelin oo aan cudurada loo soo gudbin Somaliya. Waa la idinka dhur sugayaa.

Doodu furan ee walaalayaal maxay idinka idinla tahay? Fikradiina iyo sidii wadanka looga ilaalin lahaa cudurada deg-degta ku faafa.

13. Kaalinta Abwaanada iyo Fanaaniinta: Badanaaba waxay dadweynaha Somalidu aad ugu beer nugul yihiin abwaanada curiya gabayada, geeraarada, buraanburka, heesaha, riwaayadaha iwm. Si sahlan ayey dadweynaha wax uga dhaadhicin karaan. Hadaba yaan kaalintiinu marnaan.

14. Kaalinta Hooyooyinka iyo Hablaha Somaliyeed: Hooyadu iyadaa ah xudunta asaasiga u ah ka hor tagga cudur kasta. Nolosha ubadka iyo hogaaminta qoyska waxaa dhabarka u ridatay waa hooyo. Haweenka Somaliya ayaa laga sugayaa sidii ay wadanka uga ilaalin lahaayeen cudurada faafa dhamaantood. Gaar ahaan difaacidda nolosha ubadkeena.