DADKEENA & DALKEENU IS DIID UMA BAAHNEE. ISU DUMID BEY DOONAYAAN.

1621
Umadaha Caalamka ka jira waxay intooda badan soo mareen xaalad cakirnaan iyo dhibaato xambaarsan. qaarkood dagaalo ka baaxad iyo khasaare badan kuwii ina halakeeyay baa ku habsaday. hadana wey ka gudbeen oo dowladnimo iyo sinaan u dhaqaaqeen. taas oo ay kaga soo kabteen daalkii ay soo mareen kadib dad aqoon iyo siyaasad wadaniyeed lihi markey dhiigooda iyo maskaxdoodii geliyeen sidii ay bulshadooda uga saari lahaayeen waxa la haray. waxay gaareen inay maanta dunida hogaan u yihiin tusaalooyinkii dadkaasina ilaa haatan ay shaqeynayaan.
waxaa is weydiin leh maxaa ina heysta inaga Soomaali ahaan. in aan asaageen ka harno. qabiil dabada heyno aan natiijo laga dhaxleyn. in maalin walba hadba meel wax noogala soo yeeriyo. ma waxaynan laheyn dad aqoon leh. dad wax garad ah. ma culinadii diintaa naga dhamaatay. maxay tahay mushkilada ina dulsaaran.
weynu leenahay dhamaan kuwaa indhaha bulshada ah. balse waxaa inaga maqan isku xirnaan waaqici ah oo u daneysa bulshadan diihaalku ku daba dheeraaday u dhaqaaqi laheyd. ma aaminsani inuu jiro haatan naceyb qabaa’il Soomaali dhexdeeda marka laga reebo sedbursi shaqsiyaad dhinac walba ku jira ay ku rati kacsadaan daneysi qabiil.
waxaa muhiim ah in qof kasta oo Soomaaliyeed uu Qabiil iyo daneyste meel iskaga tiiriyo. eego maxaad u baahan tahay kaligaa ma noolaan kartaa. qabiilkaga keligii ma kugu filaan karaa. jawaabtu waa maya. sidaa awgeed ogow Muwaadin inad maalin walba cabaadid inay ka haboon tahay inad dareenkaga wanaagsan u jiheysid la xisaabtanka hogaankaaga. is abaabul maxaa dan noo ah. waa in dhalintu ay bilaabaan duufaan bixisa hogaan xumida iyo qabiileysiga ina daashaday.
waan hubaa ineynu nahay bulsho xamaasi ah oo laabla kaca ku fiican. balse gadaal u soo dhacda durba lana kala furfuri karo waayahan. waa in aan keena gees jooga iyo keena geeska kale joogaahi aan yeelano hal eray oo ah dadkeena iyo dalkeena maxaa dan u ah oo aan ku dhegno. diidnana danaha Shisheeyaha. ha ka soo fufeen dowlada dhexe ama maamul goboleedyada iyo kooxaha dulaaliinta ahe. waxaanu joognaa xiligii ay Soomaali u kaceen 13-dii dhalinyaro ee SYL ee dhalisay xoriyadan qabyoowday ee aan maanta heysano. waxaa hubanti ah inay murugo iyo ciil u dhiman lahayeen odayadaSi hadii ay maanta joogaan.
U CIIL DHICI 13-SYL oo u istaag si iskaa ah badbaadinta dadkaaga. dalkaaga. qarankaaga iyo calankaaga. ha ka sugin cid kale ee Qof walbow hebel ha eegine dantaada iyo danteena guud eeg.
Waxaan Madaxda Soomaaliyed Madaxda Dowlada Federalka. Kuwa Maamul gobaleedyada. asxaabta Siyaasada u soo jeedinayaa walaalayaalow yaan lagu kor gorgortamin Shacbigan dulman ee quusta jooga. Waa inaad hoos u eegtiin dadkiina badaha ku dhamaanaya. hooyada maalin walba ooyeysa. war miyeydnaan damiir damqada laheyn. war miyaan la idinka helin kuwo u hiiliya umadooda oo tanaasul iyo cafin u sameyn kara danta dadkiisa iyo dalkiisa oo ay maalin Taariikhdu xusi doonto.
W/Qoray Abdurashid Deyl