DF oo WAR cusub ka soo saartay qorshihii dhismaha dekadaha Hobyo iyo Barawe

1140

Wasiirka dekadaha xukuumadda Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac ayaa sheegtay inuu heer gebogebo ah marayo qorshaha lagu dhisayo dekadaha Baraawe iyo Hobyo, kuwaasi oo ay ballan qaaday dhismahooda dawladda Qadar.

Wasiir Maryan ayaa shaaca ka qaaday in daraasaado lagu sameynayey dekadaha Baraawe iyo Hobyo ay soo dhammaadeen, dhawaana la billaabi doono dhismaha.

Dekadaha Baraawe iyo Hobyo ayaa dhismahooda kadib waxaa ka faa’iideysan doona dadka deegaanka maamullada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Galmudug ee ay ku kala yaallaan labada dekadood.

Koonfur Galbeed iyo Galmudug, ayaa ah laba ka mid ah saddex maamul goboleed oo marka lagu daro HirShabelle aan lahayn dekadaha oo ah ilayaasha dhaqaale ee lacagta badan laga sameeyo.

Valueimpression Placeholder
Wasiirrada dekadaha Soomaaliya iyo Qatar, Maryam Aweys Jaamac, iyo Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa 19-kii August 2019 si wadajir ah u shaaciyay in la billaabayo dhismaha dekadda Hobyo ee goblaka Mudug.

Wasiirka dekadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Marwo Maryam Aweys Jaamac ayaa caddeysay in billaabidda dhismaha dekadda Hobyo ay muhiim u tahay shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo horumairnta dhaqaalaha dalka.

Dekedda Baraawe ayaa iyana kasii horeysay oo ay dowladda Qatar ay horey u ballan-qaaday inay dhiseyso.