Wasiir Mustafe: “Waxa nasiib darro ah ninka ay u muuqdaan ciidamada Somaliland ee hadana leh Sool iyo Sanaag…”

1203

Mustafe Maxamuud Cali Wasiirka Wasaarada shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada Somaliland ayaa beeniyay sheegashada wasiirka arrimaha gudaha Puntland, ee ah in ay maamulan badiba gobolada Sool iyo Sanaag, iyadoo horay dhowr goor ay labada dhinac ugu dagaalameen.
Waraysi uu Wasiir Mustafe siiyay HCTV, ayuu ku sheegay in cid kasta oo maqleysa u sheegayo Somaliland iyo Puntland inay yihiin maamulo jaar ah oo badani ka shaxeyso.

Wasiirka Wasaarada shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada Somaliland ayaa sheegay in cidkasta oo masuul ah oo hadlaysa looga bahanyahay in ay ka fogaadaan hadalkasta oo abuuri kara colaad iyo dhibato.

Wasiir Mustafe ayaa sidookale ka jawaabay, hadalka wasiirka arrimaha gudaha Puntland ee aha in ay si fudud ku qabsan doonaan magaalooyinka Laascaanod iyo Ceerigaabo.

“Wasiirka leh Sool baan qabanaya ciidamada Somaliland waxay xafiiskiisa u jiraan wax kayar 19 killo mitir, hadii uu daaqadiisa furo oo uu eego wuu arkayaa” ayuu yidhi wasiir Mustafe.

“Cidka hor joogtaana ma jirto ee Somaliland iyada ayaa masuuliyadeeda u dhawraysa wax badan”.

“Waxa nasiib darro ah ninka ay u muuqdaan ciidamada Somaliland ee hadana leh Sool iyo Sanaag baan qabsanayaa” ayuu wasiirku hadalkiisa sii raaciyay.

Dhinaca kale Jawaabta Somaliland, ayaa imanaysa xili ay dowlad goboleed ka Soomaaliya ee Puntland ku dhawaaqday in ay dagaal ku qabsanayso gobolada Sool iyo Sanaag.