Dowladaha Yurub oo dib u furaya xuduudahooda

1389

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay in dalkiisa maanta oo isniin ah gabi ahaanba ka baxayo xiyaarado ay dowladda  horay ugu soo rogtay si ay u xakamayso crona virus.

Isaga oo shacabka kala hadlayay warbaahinta dowladda ayuu sheegay in ay ku guulaysteen wajiga hore ee xakamaynta cudurkan islamarkaanka maanta maqaayadaha iyo goobaha kale ee adeega dadwaynaha dib irdaha loogu furi doono.

Mr, Macron ayaa shacabkiisa faray in ay sii dhaqan geliyaan talooyinka wasaaradda caafimaadka ee ah qaadashada af-xirka iyo gacmo geshiga,

Waxay awood u yeelanayaan in ay u safraan guud ahaanba gobolada dalka xuduudaha dalkaasina si rasmi ah loo furay oo dalka uu ka baxay xaaladii adkayd ee uu ku jiray ayuu yiri raisul wasaaraha.

Sidoo kale wadamada dhawaan dib u furaya xuduudahooda waxaa kamid ah Beljamka, Croatia, Switzerland iyo Jarmalka kuwaa oo si isu socodka ganacsiga  dadwaynaha doonaya in ay si caadi ah kusoo celiyaan.