Ra’iisul Wasaare horey Isku casilay oo mar kale RW loo magacaabay

1381

Wakaaladda wararka ee Kuwayt ayaa sheegtay in wareegto ka soo baxday xafiiska amiirka dalkaas lagu magacaabay Shiikh Sabaax Al-Khaalid.

Amiirka dalka Kuwayt ayaa mar kale Ra’iisal wasaare u magacaabay Shiikh Sabaax Al-Khaalid, Amiirka dalka Kuwayt Nawaaf Al-Axmad Al-Jaabir ayaa maanta oo Axad ah dib ugu magacaabay Ra’iisul wasaaraha dalkaas Shiikh Sabaax Al-Khaalid Al-xamad Al-Sabaax.

Ra’iisal wasaasraha la magacaabay ayaa la amaray inuu so xulo golo wasiiro oo tayo leh kuwaas oo dalka ku hoggaamin kara horumar.

Amiirka dalka Kuwayt ayaa hore u aqbalay iscasilaadda xukuumaddii hore isagoo ka codsady inay xilka sii hayaan inta laga soo dhisaayo xukumad cusub.