Golaha Ammaanka ee QM oo Maanta kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

796

Maanta oo Talaado ah ayaa waxaa la filayaa in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay kulan aan caadi aheyn ka yeeshaan xaalada cakiran ee Siyaasadda dalka Soomaaliya, kulankaan oo ay codsaday Boqortooyada Ingiriiska oo kamid ah 5-ta Dowladood ee Joogtada ah.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa Arrimaha la xiriira doorashooyinka Soomaaliya oo aan weli heshiis laga gaarin, iyada oo uu dhamaaday muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo, waxaana la filayaa inay mowqif adag ka qaatan Arrimaha ka taagan Soomaaliya.

Kulanka oo noqon doono mid ay Albaaba Albaabada u xiran yihiin ayaa Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa ay siweyn uga doodi doonaan xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo sida looga gudbi karo.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Midoobay  Stephane  Dujarric ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ee weli aragto inay jiraan fursado ay ku kulmi karaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida si ay uga wada Shaqeeyaan dhisida dowlad Dastuuri ah oo loo dhan yahay.

“Wadahadalka dhammaan dhinacyada arrintaan khuseyso waa lama huraan waana in la helo heshiis cad oo ballaaran oo ku saabsan halka loo socdo iyo dhabbaha loo marayo ayuu sii raaciyay Afhayeen Dujarric.

Dhinaca kale xilligaan Soomaaliya ayaa waxaa kajirta xaalad siyaasadeed oo cakiran, waxaana hoggaamiyeyaasha Soomaalida aysan ku heshiin Arrimaha doorashooyinka dalka,  iyada oo uu dhamaaday muddo xileedka Dastuuriga ah ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.