Weriye Coldoon oo laga sii daayay xabsiga Hargeysa

1241

Saxafi Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa maanta dib u helay xorryadiisa kadib markii uu xirnaa muddo sannad ka badan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyay Wariye Coldoon.

Qaar ka mid ah Ururada Mucaaradka Somaliland ayaa Hargeysa kusoo dhaweeyay Wariye Coldoon.

Somaliland ayaa horay xukun ugu riday Coldoon ka dib markii ay ku eedeeyeen in uu kasoo horjeedda Qaranimada Somaliland.

Bulshada rayidka ah ee Somaliland iyo Hay’addaha Xuquuqul Aadanaha ayaa ka codsaday in Madaxweynaha Somaliland uu Cafis u fidiyo Coldoon.